Xog: Kamaal iyo Geedi oo la kala wado labada madaxweyne ee laba maamul

Xog: Kamaal iyo Geedi oo la kala wado labada madaxweyne ee laba maamul

daajis.com:-Warar naga soo gaaray ilo lagu kalsoon yahay, ayaa sheegaya in Madaxda sare ee Dowladda Soomaaliya ay isla ogolaatay in ay marka laga soo jeesto Maamulka lagu wado in maalmaha soo socda loo sameeyo Gobolada Galguduud iyo Mudug oo la is raaciyey, in la dardar gelin doono Maamul kale oo oo loo sameeynayo Gobollada Sh/Dhexe iyo Hiiraan oo la isku af-gartay in la is-raaciyo.

Siyaasi ka mid ah xubnaha la socda qorshahan oo la hadlay Caasimada Online, waxa uu sheegay in qorshahani ay gadaal ka riixayaan Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa (UN) iyo Midowga Afrika (AU) oo diyaariyey dhaqaalihii ay ku bixin lahaayeen in qorshahaasi uu meelmar noqdo.

Wararka waxa ay intaasi ku darayaan inay madaxda DF ay qorsheynayaan in xilka Madaxweynenimada Maamulka Galguduud iyo Mudug loo dhiibayo Kamaal Guutaale oo ka mid ahaa xubnaha ku dhowdhow Madaxweyne Xassan Sheekh, horayna u hayey xilka Agaasimaha Madaxtooyadda balse markii dambe laga qaaday.

Waxaa kale, oo la sheegay in odayaasha iyo waxgaradka beesha Mudulood shir ay la yeesheen Madaxweyne Xassan Shiikh ay u gudbiyeen in R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Max’ed Geeddi loo magacaabo Madaxweynaha Maamulka labada Gobol ee (Hiiraan iyo Sh/dhexe) , iyadoo Madaxweynuhu ka aqbalay, waxaana dhici karta inuu culeys ka yimaado beelaha dega Gobolka Hiiraan oo ku dooda in Gobolkoodu ka ballaaran yahay Sh/dhexe, ayna iyagu xaq u leeyihiin in ay hogaanka u qabtaan haddii ba Maamul loo sameynayo Goboladaas.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in si (Official) ah loogu dhawaaqo Magaca uu yeelanayo Maamulkaasi, waxaana hadda socda qaban qaabada qorshahan.

Waxgaradka Soomaalida qaarkood ayaa, waxa ay ictiqaadsan yihiin in durba ay Soomaalidu dha-dhamisay dhibaatada iyo xanuunka uu leeyahay Federaalka, waxaana qaar ka mid ah dadkaasi ay soo jeedinayaan si loo daba qabto rajada ummadda Soomaaliyeed oo hadda sii lib-dheysa in Soomaali meel kasta oo ay joogto ay diido nidaamkan Federaalka ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada