Xog Hoose:- Akhri 3 Qodob oo soo dadajiyay in la Toogto ninkii fududeeyay weerarkii Madaxtooyada & Ninkaan oo kala hadlay

Xog Hoose:- Akhri 3 Qodob oo soo dadajiyay in la Toogto ninkii fududeeyay weerarkii Madaxtooyada & Ninkaan oo kala hadlay

daajis.com:-Xasan Muxudiin Xasan (Bistoolad Weyne) waa shaqsigii ka dambeeyay waliba afkiisa ku qirtay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday 10-kii bisha Ramadaan xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya. 

Xasan Muxudiin Xasan ayaa waxa uu ku jiray rag eedaysanayaal ah oo Maxkamada Ciidanka qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya ku toogatay School Polizio . Kiiska ninkaan ayaa siyaabo kala duwan waxaa u fasirtay dadka aalaaba isha ku haya xaalada ama siyaasadaha is diidan ee dalka Somalia.

Xasan Muxudiin Xasan (Bistoolad Weyne) oo xiligii la qabtay laga qaaday 2 Muuqaal oo kala duwan wuu kala hadlay wuxuuna aad uga sheekeeyay qaabkii uu ula shaqeyn jiray ururka Al Shabaab gaar ahaan horjooge C/risaaq Siciid Ibraahim oo ahaa seedigiis ama ninka qabay walaashiis.

Ciidamada Nabadsugida dowlada ayaa waxaa aad ugu adkaatay inay caawin ama sir hoose ka helaan Xasan Muxudiin Xasan (Bistoolad Weyne) oo xogag badan ka hayay ururka Al Shabaab balse wuxuu ku adkeeystay ninkaan in xitaa uusan garaneyn halka uu ku sugan yahay seedigiis ninka lagu magacaabo horjooge C/risaaq Siciid Ibraahim kaas oo sheegay inuu kala xiriiri jiray kaliyah qadka Telefoonka.

Arinta ugu yaabka badan ayaa waxeey tahay eedeysane Xasan Muxudiin Xasan oo sidoo kale ku lug lahaa weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday masjidka Madaxtooyada ku dhex yaal kaas oo afkiisa ku qirtay inay Al Shabaab wax ka weeydiiyeen ragii madaxda ahaa ee dowlada looga dilay iyo xiliga salaada Jimcaha lagu tukado intaba.

Dilka Xasan Muxudiin Xasan (Bistoolad Weyne) waxaa soo dadajiyay 3 qodob in kastoo uusan si toos ah qof ama ruux u dilin. 

1-Dhimashada askarigii ku dhintay Madaxtooyada dhexdeeda oo ay ka dambeeyeen ragii uu gaariga ku soo qaaday. 

2-Ku qancinta beelaha kale ee Soomaaliyeed oo horay looga dilay rag Shabaab ka tirsanaa oo dilal cad loo soo qabtay. 

3-Ninkaan oo si farsameysan u diiday inuu dhiibo xogta hoose ee Shabaabka iyo tan seedigiis waliba hubaal ay tahay inuu jaajuusay wasiiro iyo xildhibaano fara badan oo la qarxiyay xili ay Madaxtooyada gawaari uga baxeen.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada