Xog: Xassan Sheekh oo gorgortan ka keenay Shidaal-baaris dalka.

Xog: Xassan Sheekh oo gorgortan ka keenay Shidaal-baaris dalka.

daajis.com:-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ka qeybgalayo Shir Madaxeedka Hoggaamiyayaasha Afrikaanka iyo Maraykanka ee ka  socda magaalladda Washingto DC ayaa Yididiilo ka bixiyey rajadda laga qabo inay Dowladda Somalia mar kale dhamasytirto Heshiiska Shirkadaha Caalamiga, si ay dalka Somalia uga baaraan shidaalka iyo gaaska dabiiciga.

Sida maanta lagu soo daabacay Wargeysyadda caanka ah ee Bloomberg News iyo  Diplomat waxa uu Madaxweynuhu tilmaamay inay Shirkadaha Shidaalka sannadkan gudihiisa ka hawl bilaabi doonaan Somalia, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Ciiddanka Ammaanka guulo ka soo gaareen dagaalladda ay kula jiraan Xarakadda Alshabaab.

“Juqraafi ahaan, Kontoroolka Alshabaab xilligan waa mid sii liicayo, waxaana suurtogal ah inay Ciiddamadda Dowladda hawlgallo ka bilaabaan Deegaannadda ay Alshabaab ka taliyaan dabayaaqadda sannadkan” ayuu yiri Hasasn Sheikh.

Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay inay Dowladda Federalka wada-xaajood la leeyihiin  Shirkadaha Shidaalka ay ku jiraan Royal Dutch Shell oo laga leeyahay dalka Holland iyo Exxon Mobil Corp oo laga leeyahay Maraykanka  si ay dib uga hawlgalaan Somalia.


Wuxuuna intaasi ku daray  inay rajeynayaan inay Shirkadahaasi sida ugu dhaqsaha badan u hawlgeli doonaan Si kastaba ha ahaatee, Shirkadaha Calaamiga ee Shidaalka ayaan weli ka hadlin qorshahooda ku aadan inay dib ugu hawlgalaan gudaha dalka Somalia, oo ay horey uga sahmiyeen Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga dhex ceegaaga Somalia.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada