Xukuumadda Soomaaliya oo ka dalbatay Dowladda Kenya in lagu soo wareejiy Xasan Xanaf oo shabab ka tirsan.

Xukuumadda Soomaaliya oo ka dalbatay Dowladda Kenya in lagu soo wareejiy Xasan Xanaf oo shabab ka tirsan.

daajis.com:-Xukuumadda Soomaaliya oo ka waydiisatay Dowladda Kenya  in ay ku soo wareejiso ninka toddobaadkan lagu qabtay Magaalada Nairobi, ee lagu sheegay in uu yahay Xasan Xanafi Xaji.

Sarkaal ka tirsan Booliska Kenya, ayaa waxa uu xaqiijiyay in ninka la qabtay uu yahay Xasan Xanafi, oo horey kaga soo hawlgalay mid ka mid ah Idaacadaha Magaalada Muqdisho.
Danjiraha Somaliya u fadhiya dalka Kenya, ayaa sheegay in Dowladda Somaliya ay Kenya u bandhigtay, in ay ku soo wareejiso ninka la rumeysan yahay in Xasan Xanafi yahay.
Amb. Maxamed Cali Nuur (Americo), ayaa xusay in qabashada ninkaan ay ka dambeysay, markii ay xoggo isweydaarsadeen Sirdoonada Somaliya iyo Kenya, iminkana ay baaritaano ku soconayaan.
Waxa uu intaa ku daray in Kenya aynaan weli ka soo jawaabin codsiga ay u gudbiyeen, ha yeeshee ay maalmaha soo aadan ka war sugayaan in ay u soo gacangeliso.
Amb. Americo oo u waramay laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa rajo ka muujinaaya in ninkaan loo soo duulin doono Magaalada Muqdisho, si loogu kala cadeeyo wax kastaa oo uu yahayba.
Ninkaan, ayaa waaxda la dagaalanka argagaxisada ee Kenya u sheegay inaanu ahayn Xasan Xanafi, iyadoo uu ku andacooday in nin kale uu yahay, markii uu u sheegtay magac kale.

Ninka u xiran laamaha ammaanka ee Kenya, ayaa marar badan magacyo aanu lahayn ku soo galay dalka Kenya, waxayna taasi hoos u dhigeysaa in laamaha ammaanka ee Kenya ku kalsoodaan in aanu Xasan Xanafi ahayn.
Xasan Xanafi waxaa loo heystaa dilalka in ka badan 30 Suxufi oo loogu geystay Magaalada Muqdisho, iyadoo ay jiraan Suxufiyiin fara badan oo uu soo basaasay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada