Ashraf Ghani oo loo dhaariyay Madaxweynaha dalka Afghanistan

Ashraf Ghani oo loo dhaariyay Madaxweynaha dalka Afghanistan

daajis.com:-Ashraf Ghani ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyay madaxweynaha Afghanistan, kadib bilooyin muran ka taagnaa cida ku guuleysatay doorashadii lix bilood ka hor ka dhacday dalkaas.

Munaasabad ka dhacday magaalada Kabul ayaa lagu dhaariyay Ashraf Ghani iyo Cabdala Cabdala oo noqon doona Ra’iisul Wasaare, kuwaasoo isku awood noqon doona.

Ashraf Ghani ayaa ugu baaqay Taliban iyo maleeshiyooyinka kale inay hubka dhigaan, ayna ka qeyb qaataan inay hubka dhigaan, waxaana uu balan qaaday in dastuurka wax laga bedeli doono.

Madaxweynaha cusub ee Afghanistan ayaa ka digay in Maleeshiyada Daacish ee Suuriya iyo Ciraaq inay ku soo faafaan dalkiisa, oo ay ka dagaalamaan.

Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii labadii dhinac ee isku hayay madaxtinimada dalkaas ay ku heshiiyeen in la soo dhiso dowlad wadaag ah, waxaana ay bedeli doonaan Madaxweynihii hore Xamid Karzai oo muddo 12-sano ahaa Madxaweynaha Afghanistan.

Madaxweynaha cusub ee Afghanistan Ashraf Ghani iyo Cabdala Cabdala
Madaxweynaha cusub ee Afghanistan Ashraf Ghani iyo Cabdala Cabdala

Caleema saarka iyo dhaarinta Madaxweynaha cusub ee Afghanistan ayaa ku soo aaday, iyadoo maanta labo qarax oo ismaamiidaan ay ka dhaceen dalkaas oo ay ku dhinteen ilaa 15-ruux.

Mid ka mid ah qaraxyada ayaa ka dhacay meel ku dhow garoonka diyaaradaha Kabul oo ay ku dhinteen ilaa todobo ruux.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada