Axmed Daaci oo la sii daayay kadib markuu aqbalay shuruudo adag

Axmed Daaci oo la sii daayay kadib markuu aqbalay shuruudo adag

daajis.com:-Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow “Axmed Daaci” ayaa lasii daayay xiligii danbe ee Jimcihii (19-09-2014), kadib mudo 35 cisho ah oo uu ku xernaa xabsiga Godka Jilacow.

Sida ay ku waramayaan illo muhiim ah, waxay sheegayaan in Axmed Daaci, sii deysmadiisa ay ka danbeysay wada hadalo mudooyinkii danbe u socday madaxda Dowladda, siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda beesha Mudullood, oo Madaxweynaha cadaadis ku haayay sidii loo sii deyn lahaa Axmed Daaci.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Madaxda Dowladda ay aqbaleen, codsiga waxgaradka, hase ahaatee shuruudo lagu xeray sii deysmadiisa, taasoo uu Axmed Daaci aqbalay, sidaasina uu ku helay xorriyadiisa.axmed-daaci

Shuruudaha ayaa waxaa la sheegay in ay ka mid yihiin, inuusan wax dhaqdhaqaaq ah ka sameyn karin Muqdisho, inuusan noqon qof ku hubeysan hub fara badan, loona ogolaaday wax uu naftiisa ku ilaaliyo oo aan ka badneyn sedax ilaa afar askari iyo in uusan mucaaradnimo u muujin dowladda.


Axmed Daaci ayaa 15-kii bishii Agoosto, la xeray, kadib maarkii ciidamada Nabadsugida iyo kuwa AMISOM ay howlgal qorsheysan ku qaadeen xili saq dhexe ah, oo maliishiyada Axmed Daaci hubka looga dhigay, waxaana howlgalkaasi ka dhashay dagaal culus oo maliishiyada Axmed Daaci kaga hortageen ciidamadii weerarka kusoo qaaday ee Nabadsugida iyo AMISOM.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada