Bulsho:- Ninka Ay Gabdhuhu Ku Riyoodaan Inay Guursadaan

Bulsho:- Ninka Ay Gabdhuhu Ku Riyoodaan Inay Guursadaan

daajis.com:-Nin Ilaahay ka cabsada oo akhlaaq leh: Waa ka kula dhaqma xaaskiisa sida uu sheegayo quraanku, oo sita akhlaaqda nabiga MAXAMED calayhii salaam, nin siiya gabadha xuquuqdeeda uu islaamka siiyey.

-Mid deeqsi ah: Ninka deeqsiga ah wuxuu ku soobaxaa indhaha gabadha qurux, waxaa loo arkaa in ay nasiib badantahay gabadha guursata ninka deeqsiga ah. Kalama bakhaylo ehelkiisu waxay ubaahanyihiin, waa nin reerku waxay ubaahanyihiin ula soo orda, guriga wuxuu soo galaa isagoo gacanta wax ku sida si uu uga farxiyo xaaskiisa iyo caruurtiis. Maalkiisa kaliya kuma aha deeqsi, laakiin akhlaaqdiisa, dareenkiis iyo jacaylkiisa ayuu deeqsi ku yahay.

-Mid indhaha laabta: Waxa ugu wayn ee dhaawaca oo guba gabadha waa haday ogaato in ninkeedu eego dumarka kale , indho ka helitan ahna siiyo dumarka kale. qurbo.net Kalsooni daro ayaa dhacda, hammin iyo shaki ayeyna ku noolaataa. Ninka ay rabto gabadhu waa ka indhihiisa laabta marka meesha dumarku joogaan uu joogo oo kale.

-Mid masuuliyada qaada: Gabadh walba markay guursato waxay rabtaa daganaansho iyo xasilooni, sidaas darteed waxay rabtaa mid culayska masuuliyada qaadeeda qaada oo ka soo baxa si ay u nasato, daganaansho ayey dareemaysaa qurbo.net.

-Ka xaaskiisu ku filantahay: Gabadh walbaa waxay jeceshahay in iyada kaligeed u noqoto xaas ninkeeda, waxa ay ugu necebyihiin dumrku waa marka gabdh kale laqaybsato ninkeeda.

-Mid ixtiraama: Waa mid ixtiraama xaaskiisa marka ehelkiisa iyo ehelkeedu lajoogaan, xataa markay kaligood yihiin. Ka ixtiraama ra yigeeda, afkaarteeda, hadafkeeda.


-Mid romaantik ah: Waxa diiqada galiya gabadha waa nin aamusan oo aan dareenkiisa soo saarin,waxay rabtaa mid kaga horeeya iyada oo uu sheegta jecaylka uu uqabo, hadal macaan maqashiiya, gurigoodana ka dhiga guri uu ku jiro kaftan iyo cayaar. Waxa ugu muhiimsan ee ay ka rabto ninkeedu waa ihtimaam iyo jacayl, koolkoolis…

-Inuu jikada galo: waxay ubaahantay inuu ninka marmar caawiyo, kama aha ku shaqee isaga, laakiin waxay ka tahay icaawi oo igarab istaag.

-Mid jecel inta badan inuu guriga joogo: Gabadhu waxay jeceshahay in ninku reerkiisa la fariisto inta uu asxaabtiisa la fariisan lahaa, haduu baxona kaxeesta caruurtiisa iyo xaaskiisa. Waa ka waqtigiisa inta badan lajooga caruurtiisa oo la cayaaro

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada