Daawo Muuqaal:- Booliiska Dalka Ingiriiska oo qaaday howlgalo lagula dagaalamaayey qaadka iyo Soomaali lagu Qabtay.

Daawo Muuqaal:- Booliiska Dalka Ingiriiska oo qaaday howlgalo lagula dagaalamaayey qaadka iyo Soomaali lagu Qabtay.

daajis.com:- Booliiska dalka Ingiriiska oo qaaday howlgalo lagula dagaalamaayey qaadka ayaa waxaa la sheegay inay ku soo qabteen oo ay xabsigana ay dhigeen ilaa iyo 3 qofood oo Soomaali ah ka dib markii lagu soo eedeeyey inay ku lug lahaayeen ka ganacsiga qaadka oo dhawaantaan laga mamnuucay dalkaas Ingiriiska.

Booliiska dalka Ingiriiska ayaa waxaa la sheegay inay qaadeen howlgal balaaran oo lagu baareeyey ka ganacsiga qaadka ee dalkaas Ingiriiska oo mudo ilaa dhowr bilood ahba ka mamnuuc ahaa dalkaas Ingiriiska,

Booliiska oo howlgalkaan ku casuumay wariya Soomaaliyeed Jamaal Cismaan oo ka howl gala telefishinka Channel 4 ee dalkaas Ingiriiska ayaa howlgalkaas booliiska oo ay ka qeyb qaateen in ka badan ilaa iyo 40 sarkaal oo ka tirsan ciidamada booliiska dalkaas Ingiriiska iyadoona howlgalkaas lagu weeraray goobo lagu tuhunsanaa in lagu iibiyo qaadka,



Booliiska ayaa goobahaas waxaa ay ka soo qabteey ilaa 3 qofood oo midi ay haween tahay oo lagu soo eedeeyey inay ku lug lahaayeen ka gaacsiga qaadka, Booliiskii howlgalaas sameynaayey ayaa waxaa ay ka qabteen goob maqaaxi ahayd qaad lagu iibinaayey qaadkaas oo ahaa nooca loo yaqaano Garaabada.

Ugu dambeyntiina iyadoo howlgalkaas balaaran ee ay booliiska dalkaas Ingiriisku kula dagaalamayeen qaadka lagu soo qabtey qaar ka mid ahaa dadkii lagu tuhunsanaa inay ku howlanaayeen ka ganacsiga qaadka ayaa qaar badan oo ka mid ah Soomaalida ku nool goobaha ay booliisku weerareen waxaa ay soo dhaweeyeen howgalkaas ay booliisku kula dagaalamayeen Qaadka oo ay ku sheegeen mid dhibaato weyn ku haayey Soomaalida ku nool dalkaas Ingiriiska,

Qaadka oo dalkaas Ingiriiska ka mamnuuc ahaa ilaa iyo bishii Juun ee sanadkaan ayaa dadku qaar waxay sheegayaan inaan wali la dareemin saameyn weyn oo ka dhalatey mamnuucidaas maadaama ay muqayiliintu ay ku badaleen qaadkii ay cuni jireey nooca qaadka ee loo yaqaano Garaabada kaas oo si fudud loo heli karo mar kasta oo loo baahdo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada