Ra’iisul Wasaaraha oo kulan la qaatay maamulka Dekedda Muqdisho iyo Xoogsatada

Ra’iisul Wasaaraha oo kulan la qaatay maamulka Dekedda Muqdisho iyo Xoogsatada

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cadiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirrada oo kormeeray Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho, taasoo ka dambeysay cabashooyin maalmihii u dambeeyay ay muujinayeen Xoogsatada ka shaqeysa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo kormeeray dhammaan qeybaha ay ka kooban tahay Dekedda Muqdisho, isagoo halkasi kulan kula qaatay Masuuliyiinta ugu sareysa maamulka Dekedda iyo qaar kamid ah xoogsatada ka shaqaysa iyo maamulka shirkadda gacanta ku haysa Dekadda , wuxuuna kala hadlay sidii loo xalin lahaa cabashooyinka ay qabaan xoogsatada dekedda ka howlgasha.

Kulanka uu Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay maamulka iyo qeybaha ka howlgallada dekedda markii uu soo dhammaaday kaddib, ayaa waxaa Saxaafadda la hadlay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Yuusuf Macalin Amiin (Baadiyow) oo sheegay in ujeeddada booqashada Ra’iisul Wasaaraha ay tahay u-kuurgalidda cabashooyinkii baryahan ka imaanayay shaqaalaha muruq-maalatada Dekadda.

“Booqashada Ra’iisul Wasaaruhu waxay ahayd si loo ogaado hawlaha ka socda Dekadda iyo cabashooyinkii baryahaan ka imaanayay shaqaalaha iyo Muruq-maalka, wuxuuna la kulmay qeybaha kala duwan ee ka howlgala Dekadda, ujeedkuna wuxuu ahaa in xal laga gaaro mad-madowgii baryahan jiray, guddi ayaana loo saaray arrintan kasoo tallo bixiya” ayuu yiri Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Yuusuf Macalin Baadiyow oo intaas ku daray kulankii manta in uu guul iyo is-afgarad kusoo dhammaaday.



Booqashada uu Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ku tagay Dekedda weyn ee Muqdisho, ayaa qayb ka ah hawlaha uu doonayo in kor loogu qaado adeegyada ay bulshada Soomaaliyeed u hayso Xukuumaddu.

Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Al-Beyradh ayaa dhowaan lagu wareejiyay Dekedda Muqdisho, iyadoo shirkadu sheegtay inay dhimeyso shaqaalaha xoogsatada ee ka howl gala Dekeda, taasoo keentay inay cabasho ka muujiyaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada