DEG DEG:- Madaxweynaha M/Mulka Galmudug oo xanibaadda ka qaaday garoonka C/Laahi Yuusuf (FAA FAAHIN)

DEG DEG:- Madaxweynaha M/Mulka Galmudug oo xanibaadda ka qaaday garoonka C/Laahi Yuusuf (FAA FAAHIN)

daajis.com:- Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo goor dhow Shir jaraa’id ku qabtay koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa ku dhawaaqay in Galmudug ay fasaxday xanibaadii ay ku soo rogtay Garoonka dayuuradaha woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland ay maamusho.

Mudane Qeybdiid ayaa sheegay in talaabadan uu maamulkiisu uu ku fasaxay garoonka dayuuradaha Gaalkacyo ay ku timid codsi uga yimid dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in la fasaxo Garoomada ku yaala Magaalada gaalkacyo isla markaana la joojiyo xiisadaha halkaas ka taagan.

“Ka dib codsi nooga yimid dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maamulka Galmudug waxaa uu fasaxay isticmaalka garoonka dayuuradaha woqooyiga Gaalkacyo oo aanu xanibnay maalmo ka hor khilaafaad jira awgeed” ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in Puntland ay jabisay Amarkii Galmudug ee ahaa in Garoonka uu xiran yahay isla markaana Galmudug ay garowsatay in Garoonka xanibaada laga qaado si dadka Gobolka loogu daneeyo.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada