Wararkii Ugu Dambeeyay Xiisad ka taagan Gaalkacyo iyo Ganacsigii Magaaladaasi oo maanta inta badan xiran

Wararkii Ugu Dambeeyay Xiisad ka taagan Gaalkacyo iyo Ganacsigii Magaaladaasi oo maanta inta badan xiran

daajis.com:-Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa wali ka taagan xiisad u dhaxeysa Maamulada Soomaaliyeed ee Puntiland iyo Galmudug , waxaana xiisada labadaasi maamul u dhaxeysa ay tahay mid cirka isku sii shareereysa.

Waxaa saaka gebi ahaan xiran goobaha ganacsiga Gaalkacyo gaar ahaan suuqa weyn ee ku yaala bartamaha magaaladaas ka dib markii ay sii kordheen hanjabaadaha ay hawada isu marinayaan maamulada Puntland iyo Galmudug oo kala xukuma labada qeybood ee magaaladaas.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in Suuqa ganacsiga magaalada Gaalkacyo uu saaka yahay mid haawanaya, ayna dhamaan xiran yihiin bakhaaradii iyo goobihii kale ee laga dukaameysan jiray subax walba.

“Waxaa jirta cabsi xoogan oo laga qabo dagaalo magaalada ku dhexmara ciidamada labada maamul oo sii kordhiyey hanjabaadaha ay isu marinayaan hawada, shacabkuna walaac badan ayey qabaan daqiiqad kasta ayaa laga yaabaa in xaalku isbedelo” ayuu yiri goob jooge ku sugan Gaalkacyo oo saxaafada la hadlay.

Labada maamul ayaa ku muransan labo garoon dayuuradeed oo ay kala maamulaan kii shaqeyn lahaa, iyadoo maamulka Puntland uu maalmo ka hor xiray garoonka koonfurta Gaalkacyo, iyadoo madaxda maamulkaas ay sheegeen iney garoonkaas laga dejiyo hub iyo waxyaabo sharciga ka baxsan. 

Maamulka Galmudug oo taas ka jawaabaya ayaa isna ku dhowaaqday inuu xiran yahay garoonka woqooyiga Gaalkacyo oo Puntland ay maamusho.


Labada maamul ayaa maalmihii ugu dabeeyey ciidamo fara badan iyo gaadiid dagaal ku soo gurayey magaalada kuwaasoo sababo kara dagaal dhexmara oo keeni kara khasaare aan la mahdin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada