Wasiirka Amniga Puntland oo Ka Hadlay Xaalada Cagiran ee Magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka Amniga Puntland oo Ka Hadlay Xaalada Cagiran ee Magaalada Gaalkacyo.

daajis.com:- Wasiirka Amniga Puntland  Xasan Cismaan AlooreIyadoo Maanta Baqdin Xoogan Laga Dareemayo Xaafadaha ay Ka kooban tahay Magaalada Gaalkacyo Ayaa arintaasi Waxaa Ka Hadlay Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Aloore Waxaa uuna Shaaciyay in howlaha duulimaadka garoonka diyaaradaha Cabdillaahi Yuusuf ee magalada Gaalkacyo uu yahay mid aad u wanaagsan.

Alloore ayaa sheegay inay soo dhaweynayan nabadgelyo dhexmarta maamulada Galmudug iyo Puntland,Balse waxa uu Hoosta Ka Xariiqay in ciidanka Amniga ay diyaar u yihiin in Galmudug ay ka difaacaan garoonka diyaaraha Gaalkacyo, wuxuna sheegay inuusan wax Cabsi ah Uusan Ka Qabin Dhanka Cabdi Qaydbiid.

Xasan Cismaan Aloore ayaa Geesta Kale Beeniyay Wararka sheegaya in Madaxwaynaha Galmudug Cabdi Qaybdiid loo diiday garoonka diyaaradaha Gaalkacyo waxaa uuna Ku Sheegay Arinkaasi Mid Lagu Doonayo In Colaad Lakala Dhex Dhigo Labadaasi Maamul.


Gabagabadii Xasan Cusmaan Aloore ayaa sheegay inaysan Galmudug u diidin dhismaha garoon diyaareed hase yeeshee ay mamnuuc tahay in meel u dhow Garoonka diyaaradaha Cabdilaahi Yuusuf Garoon kale laga dhiso.

Hadalkani Kasoo Yeeray Wasiirka Amniga Maamulka Puntland Ayaa Waxaa uu Kusoo Beegmayaa Xilli Aad Looga Sii Deyrinaayo Xaalada Magaalada Gaalkacyo Inkastoo Qax Xoogan Laga Soo Warinaayo Magaaladaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada