Madaxweynaha iyo Wafdi uu Hogaaminaayo Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay.

Madaxweynaha iyo Wafdi uu Hogaaminaayo Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay.

daajis.com:-. Xasan Sheekh Maxamuudmadaxweynaha Dalka Somaaliya iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho , kadib ka Markii Ay Kasoo Qeyb Galeen shirka Qaramada Midoobay ee ka dhacay Magaalada New York ee Xarunta Umadaha Midoway.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka Diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, xubno ka tirsan Wasiirada, Xildhibaano iyo saraakiisha ciidanka Dowladda Somaalia.

Intaasi kadib Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud ayaa waxa uu qeybta nasashada ee Garoonka Aadan Cadde kula hadlay saxaafada, isaga oo faah-faahin ka bixiyay shirkii uu ug qeybgalay New York iyo kulamadii gaar-gaarka ahaa ee madaxda caalamka qaarkood uu lasoo qaatay.

Xasan Shiikh Waxaa uu Ka dhawaajiyay in Shirkaasi ay Somaaaliya Guul Muhiim Ah Kasoo Hooysay Waxaa uuna Tilmaamay Dhamaan Madaxdii Kulankaasi Kasoo Qeybgashay ay Taageero U Balan Qaadeen Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo Kale Madaxweynaha Ayaa Tilmaamay In isbadalka Laga Dareemayo Dalka Loo Baahan Yahay In Dhamaan Umadda Soomaaliyeed ay ka qayb Qaataaan,Waxaana uu baaq dheer uu u Diray Dhamaan Umada Somaaliyeed ee Dagta Gobolada Somaaliya Kuwaas oo ay Qaarkood Ka Jiraan Is afgarad Waa Lagu Dhisaayo Maamul Goboleedyo.

Ugu Dambeyntii Madaxweynaha Gayiga Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxaa uu Jirkiisa Jaraa’id Kusoo Gaba-Gabeeyay in Dhawaan La Heli Doono Xal Siyaasadeed Oo Deg-Deg Ahi, Taas oo Ay U Muuqaneyso Kala Aragti Duwanaansha Hogaanka Dalka Xilligani Ka Jirta.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada