Daawo Sawirada:- Fanaaniinta Waayaha Cusub oo ka qayb galay bandhigga Nabadda Aduunka:

Daawo Sawirada:- Fanaaniinta Waayaha Cusub oo ka qayb galay bandhigga Nabadda Aduunka:

daajis.com:-Kooxda Dhalinta Fanaaniinta Waayaha Cusub oo Ah koox Soomaaliyeed oo ku caanbaxay Qaadista Heesaha wadaniyadda Xambaarsan ayaa waxaa ay ka soo qeybgaleen Bandhig  Faneed kii ugu weynaa oo ka dhaca Caalamka oo lagu qabatay Xalay Magaaladda Amesterdam ee Wadanka Holland .

Bandhig Fanbeedkaan oo ay wacdaro ka dhigeen Kooxdaan ayaa waxaa lagu soo beegay Maalinta Nabadda Aduunka oo ku beegneed shalay iyadoo bandhig Faneedkaasina ay ka soo qeybgaleen Fanaaniin Caanka ah Dunida ,Actaro waa weyn iyo Dad bushada duunka Qiimo badan kuleh .

Bandhig faneedkan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hay’ada Master Peace ee u olaleeyasa nabada islamarkaasina ku caanbaxday qabashada barnaamjiyo noocaan oo kale ,oo markaste laga dhigo meelo ka mid ah aduunka ,waxaana barnaamjikaan loogu talagalay sidii loo dhhirigalinlahaa nabadda oo colaadana looga fogaanlahaa.


Bandhig faneed kaan  oo ahaa mid siweyn looga soo shaqeyey ayaa waxaa ka qeybgalaayey 56 wadan Fanaaniintooda  iyadoo waayaha cusubna ay ahaayeen kuwa aad ugu dhexmuuqday ,waxaana Musiga Heesaha ay qaadayeen waayaha cusub iyo Fanaaniintiikaleba garaacaayey Musikiistayaal Caalami ah oo gaaraayey 170 waxaana showga nabadda Xalay si toos ah looga daawanaayey Tvyo caalami ah iyo barta Internetka .

Kooxda Dhalinta Fanaaniinta Waaayaha Cusub ayaa waxaa ay matalayeen wadanka Soomaaliya waxaana ay noqdeen kooxdii ugu  horeysay ee Soomaaliya ah ee ka qeybgasha Bandhig Faneed Noocaan ah oo kale waxaana bandhig faneedkaan aad ugu riyaaqay Dhamaan u Maddda Soomalaiyeed meel kastoo ay Duninad ka joogaan kuwaasi oo fariimo dhiirigalin ah u soo diray Waayaha Cusub.

Markii ay xalay kooxdan Soomaaliya mataleysay ay masraxa Soo fuuleen ayagoo  ruxaya korna u sita Cakanka Quraxda badan ee Soomaaaliya waxaa dadkii tiradabadnaa ee ku dhawaa labaatanka kun  ee ruux ku soo dhaweeyeen Sacab iyo sawaxan , waxaana  dadka ku qeylinaayey‘Soomaaliya Soomaaliya’ taasi oo Faraxad iyo dhiirigalin ku sii abuurtay Kooxda Waayaha Cusub iyagoona goobta Wacadro ka dhigay  kuna soo ban dhigay Heeso wadani ah oo dadka oo dhan kiciyey.

Hesaha Qurauxadabadan ee Kooxdan ay  ugu qeybgalaayeen badhiga ayaa waxaa ay ahaayeen dhamaantood kuwa ka turjumaayey Nabadda waxaana siweyn ugu riyaakahay dadkii faraha badnaa ee ka soo qeybgalay bandhiga Nabadda ee Amesterdam.

Dhanilayada kooxda Fananaaniitada Waayaha Cusub markii ay ka soo baxeen Bandhiga ayaa waxaa ay cabireen dareekooda iyagoo sheegay in ay aheyd habeen taariikhi ah oo ay qarankooda iyo dadkooda ay matalayeen waxaana ay sheegen in ay gaarsiyeen Caalmaka  Fariintii Nabadda.


Shacabka   Soomaaliyeed  meel kastoo ay aduunka ka joogana ayaa waxaa ay u riyaakheen Hormarka baaxada leh ee ay ku tilaabsadeen kooxda dhalinta Fanaaniinta waayaha Cusub ee u xuub siibtay koox caalami ah oo siweyn loga bartay dunida oo dhan taasi oo ah farxadweyn oo u soo hooyatay Umadda Soomaaliyeed.

ka qeybgalka Bandhigaan Caalamiga ah ee ay ka qeybgaleen Fanaaniinta Waayaha Cusub ayaa waxaa ay taariikh dhaxalgal ah u noqeysaa Fanka Soomalaiyteed ,Madaama Waayaha Cusub ay fankii Soomaaliya geeyeen Barxadaha Caalamka iyadoona horey loogu yaqiinay wayaha cusub Sameynta showyo waayeyn oo umadda ay ubogeen.




Cabdulaahi Taajiroow 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada