Daawo Sawirada:- Turkiga oo gargaar raashin dhan 10,000 metric ton soo gaarsiisay Somalia

Daawo Sawirada:- Turkiga oo gargaar raashin dhan 10,000 metric ton soo gaarsiisay Somalia

daajis.com:- Hey’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga ayaa raashin gar gaar oo gaaraya toban kun oo mitrig Ton soo gaarsiiyay dalka, kaasoo loogu tala galay dadka abaaraha iyo xaaladaha bani’aadanimo ku heystaan gobolada dalka Soomaaliya.

Markab sida raashin gargar oo shalay soo gaaray Dekeda weyn ee Muqdisho ayaa la sheegay inay tahay mucaawino loogu tala galay dadka Soomaaliyeed, ee xilligan duruufaha xaga nolosha ku heysato dalka.

Hey’adda Bisha Cas ayaa sheegtay in iyadoo ka jawaabeysa baaqii dowladda Soomaaliya ee ahaa in gar gaar lala soo gaaro deegaanada ay abaaruhu ka jiraan ayaa waxay 10,000 metric ton soo gaarsiisay Muqdisho, si gobolada dalka loogu sii gudbiyo

Mas’uuliyiinta Hey’adda Bisha Cas ayaa sheegay in shixnadan gargaar ay ka kooban tahay Sokor, Bur, Bariis iyo Baasto loogu tala galay dhamaan gobolada dalka, iyadoo raashinkan lagu wareejiyay dowladda federaalka Soomaaliya

Mustaf Yilmaz oo ah Madaxa wafdiga hay’adda bisha cas ee dalka Turkiga ee dalka soo gaarsiiyay kaalmada raashinka ah ayaa sheegay in deeqdan ay qeyb ka tahay qorshaha hay’addu ugu talagashay in ay wax ugu qabato bulshada Soomaaliyeed, isagoo xusay in tani ay ka turjumeyso xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed mar walba la garab taaganahay caawinta, maadaama Mashaariicdii hore aan ka fulin jirnay dalka ay aheyd xaga dib u dhiska, waxaa iminka qaadanay kaalinteena samata bixinta dadka ay abaaruhu saameeyeen”ayuu yiri Mr Yilmaz.

Hay’adda bisha cas ee dalka Turkiga ayaa ka mid ah hay’adaha samafalka ee ka qeyb qaatay u gurmashada shacabka sanadkii 2011-ka xilligaasi oo ay dalka ka dhaceen macluul aad u daran oo galaafatay nolosha dad iyo duunyo, iyadoo dowladda Turkiga ay aheyd dowladii u horeysay ee si aad ah ugu soo gurmatay shacabka Soomaaliyeed, iyadoo ilaa iyo hada hey’adaheeda ay la garab taagan yihiin hiil iyo hooba.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada