Qaar ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Maamulka Gobolka Hiiraan

Qaar ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Maamulka Gobolka Hiiraan

daajis.com:-Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xubno ka tirsanaa Al-Shabaab ay labadii maalmood ee la soo dhaafay isku dhiibeen ciidamada dowladda ee ku sugan gobolkaas

Taliye kuxigeenka Nabadsugida Gobolka Hiiraan Faarax C/llaahi Faarax ayaa sheegay in tirada guud ee isa soo dhiibtay todobaadyadii u dambeeyay ay gaarayeen ilaa 28-xubnood oo qaarkood hubkooda watay.

Taliye kuxigeenka ayaa sheegay in shalay kaliya ay isa soo dhiibeen sagaal xubnood oo 8 ka mid ah ay iska dhiibtay degmada Buulo Burde, halka midka kalena uu Beledweyn iska soo dhiibay.

“Waxaa labadii maalin isa soo dhiibay ilaa sagaal ruux, sideed ka mid ah Buulo Burde ayay iska dhiibeen, midka kalena wuxuu iska dhiibay Beledweyn, waxaa geynay xerooyin loogu tala galay oo ah in lagu dhaqan celiyo”ayuu yiri Taliye kuxigeenka Nabadsugida Gobolka Hiiraan

Waxaa uu sheegay in cafiska dowladda u fiday dhalinyarada ka tirsan Al-Shabaab ee ah mudada 45-cisho ay keentay inay ka faa’ideystaan, isla markaana ay dhalinyaro badan ka soo goostaan sida uu yiri.


Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Siidii ayaa dhowaan sheegay in boqolaal ka mid ahaa Al-Shabaab ay u diyaarsan yihiin inay todobaadyada soo socda inay isku soo dhiibaan dowladda.

Xukuumada Soomaaliya ayaa dhowaan muddo 45 cisho u qabatay inay uga faa’ideystaan cafis ay dowladda u fidisay dhalinyarada Shabaab u dagaalama, si ay isku soo dhiibaan mudadaas.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada