Wasiirka Arrimaha Gudaha oo magacaabay Guddoomiye kuxigeenada gobolka Sh/dhexe (Akhri Wareegtada)

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo magacaabay Guddoomiye kuxigeenada gobolka Sh/dhexe (Akhri Wareegtada)

daajis.com:- Wareegto ka soo baxay xafiiska wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdullaahi Goodax Barre ayaa lagu magacaabay afar guddoomiye ku xigeen oo uu yeelanayo maamulka gobolka Sh/dhexe.

Wareegtada oo ku saxiixnaa Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa lagu dhameystiray maamulka uu yeelanayo Gobolka Sh/Dhaxe.

Xubnaha la magacaabay waxaa ku jira Guddoomiyihii hore ee degmada Waabari ee Gobolka Banaadir Axmed Meyre Makaraan (Axmed Faal) oo loo magacaabay Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee dhinaca Siyaasada iyo Amniga Maamulka Gobolka Sh/Dhaxe isagoo lagu bedelay guddoomiye ku xigeenkii hore Yuusuf Cabdi Cabdulle.

Wareegtadan ayaa xilkii uu hore u hayay guddoomiye ku xigeenkii labaad ee maamulka gobolka Sh/dhexe Cali Cismaan Ibraahin uu ku waayay guddoomiye ku xigeenkii labaad ee uu hore u hayay isagoo haatan laga dhigay guddoomiye ku xigeenka afaraad.

Wareegtadan ayaa waxaa Bartamihii bishii August ee sanadkan ayaa wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh waxaa xilka loogaga qaaday guddoomiyihii gobolka Sh/dhexe Cabdi Jiinow Calasow isagoo lagu bedelay Cali Cabdullahi Xuseen.

Magacydaa masuuliyiinta la magacaabay iyo Xilalka loo magacaabay

1-Axmed Meyre Makaraan: Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Siyaasada iyo Amniga Maamulka Gobolka Sh/Dhaxe.

2-Nuur Xuseen Xasan : Gudoomiye kuxigeenka Labaad Maamulka iyo Maaliyada Gobolka Sh/Dhaxe

3-Maxamed Sugaal Cusmaan : Gudoomiye Kuxigeenka 3-aad ee Arimaha Bulshada iyo Hormarinta Gobolka

4-Cali Cusmaan Ibraahim: Gudoomiye kuxigeenka 4-aad ee Arimaha Dib-uheshiisiinta iyo Federaalka

5-Yuusuf Nuur Xasan :Xoghayaha Guud ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

HALKAN HOOSE KA AQRISO WAREEGTADA KA SOO BAXDAY WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA IYO FEDERALKA.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada