Daawo:- Siyaasi Puntland ah oo Muqdisho booqday amaanayna.

Daawo:- Siyaasi Puntland ah oo Muqdisho booqday amaanayna.

daajis.com:-Siyaasi, ahna Wariye kasoo jeeda deegaanada Puntland oo horay firkad xun ugu haystay magaalada Muqdisho marikii uu booqasho ku tegay, ka suushay fikradii uu horay ugu haystay, isagoo sheegay in uu arkay mid ka duwan fikradii uu ka haystay.

C/shakuur Mire Aadan oo xilal heer Wasiir kasoo qabtay maamuladii Puntland soo maray ayaa 26 sano kadib, ku tukuday Masjidka Isbaheysiga, wuxuuna bartiisa Facebook uu soo dhigay Sawirro muujinaayo isbadalka Muqdisho iyo Masjidka Isbaheysiga.

“Markii iigu horaysay in ka badan 26 sano ayaa Salaad Jimcaha waxaan ku tukaday Masjidka Isbahaysiga Islaamka. 

Waa Xusuus ii gaar ah. Muqdisho dhan walba waa iska bedeshay…. Mase ahan sida dadka qaarkiis u haystaan, aragtidaan qabay mid ka duwan ayaan qabaa xilligan” ayuu yiri C/shakuur Mire oo ah rug caddaa Saxaafadeed oo xilal heer Wasiir kasoo qabtay Puntland.

C/shakuur ayaa horay wuxuu u aaminsanaa in Muqdisho ay tahay magaalo beel gaar u ah, hantida shacabkana lagu dhaco, hase ahaatee iminka mid taas ka duwan ayuu qabaa.

Siyaasigaan, ahna rug cadaaga Saxaafadeed ayaa wuxuu ku barbaaray degmada Yaaqshiid, kuna waxbartay Muqdisho berisamaadkii.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada