Madaxweynaha oo qiray inuu jiro khilaaf isaga iyo RW: Dhageyso

Madaxweynaha oo qiray inuu jiro khilaaf isaga iyo RW: Dhageyso

daajis.com:- Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay sheegay inuu jiro kala fikir duwanaansho kala dhaxeeya Ra’isul wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed, isla markaana arintaasi lagu xalin doono sharciga iyo xeerarka Dowladda.

Wareysi uu Madaxweynaha siiyay Idaacadda VOA ayuu ku sheegay in khilaafkaasi uusan horseedi doonin in dowladda burburto, wax cabsi ahna uusan ka qabin, balse loo marayo xalinteeda xeerarka dowladda iyo dhaqanka soomaalida.

“In la kala aragti duwanaado wax dareen iyo ceeb ay leedahay ma lahan, lakiin kala duwanaanshaha sida loo xaliyo ayaa muhiim ah wuxuu keeni karaa, ilaa iyo hada dowladda Soomaaliya waxay ku guuleysatay mar alaala markii kala duwanaashaha uu soo baxo sida nidaamka sharciga loogu xalin lahaa”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

hassan-yuul“Shalay waa la kala ra’yi duwanaa, maanta waa la kala duwanaan karaa, berri waa la sii kala duwanaan karaa ma u arko aniga wax caqabad, cabsi iyo wal wal inay jiraan, waa kala duwanahay ama anagoo kala duwan wada soconeynaa oo wada shaqyeneynaa ama kala duwanashahaas waxaa ku dhameystireynaa dhaqanka Soomaaliyeed ee suuban iyo xeerarka dalkeena leeyahay intii suura gal ah inaan isticmaalno hadii alle yiraahdo” ayuu sii raaciyay Madaxweynaha.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay qorshaha doorashooyinka ee la qorsheeyay in sanadka 2016 ay ka dhacaan dalka, isagoo xusay in ay hadda socdaan sharciyadii iyo dib u habeynta dastuurka, in afti loo qaado, arrinta federaalismka, xadeynta xuduuda, gudiga doorashada, waxaana uu cadeeyay in dhamaan sharciyadaas uu hor yaalo Baarlamaanka.

“Qorshaha sanadka hore aan dejinay wuxuu ahaa in 2016 Soomaaliya ay ka dhacaan doorasho, markaan dejineynay maanka ku heynay inay caqabado badan iyo mushaakilaad inay jiraan, waxaa aaminsanahay in waxaasoo dhan laga gudbi karo”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada