Dagaal culus oo dhex maray Puntland iyo Somaliland iyo dhimashada oo.

Dagaal culus oo dhex maray Puntland iyo Somaliland iyo dhimashada oo.

daajis.com:-Wararka naga soo gaaraya deeganka Dhahar oo ku yaalla gobalka Sanaag Berri ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Inta la ogyahay afar askari ayaa ku dhintay tiro intaas ka badan waa ay ku dhaawacmeen sida ay lee yihiin dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa yimid markii wasiir ka tirasan maamulka Puntland uu booqday deeganka Dhahar oo ay isku heestaan maamulada Puntland iyo Somaliland, waxaana la sheegay in wasiirka iyo ciidamada la socday ay la kulmeen iska hor imaad xooggan.

Xog badan lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka Dhahar, balse sarkaal u hadlay maamulka Somaliland oo lagu magacaabo Maxamed Cali Saleebaan ayaa sheegay in kooxdii magaalada soo weerartay in ay dib u celiyeen.

Xaaladda deeganka lagua dagaallamay ayaa saakay oo Jimco deggan, balse labada ciidan ayaa ku sugan meelo isku muuqda waxaana xilli kasta la filayaa in dagaal uu dib uga qarxo deeganka sida ay lee yihiin goobjoogayaashu.


Dadka deeganka ayaa sheegay in ay weli ka cabsanayaan dagaal hor leh oo ka dhacay deeganka Dhahar ee gobalka Sanaag.

Gobalada Sanaag, Sool iyo Ceyn waxaa ku muransan maamulada Somaliland, Puntland iyo Khaatumo oo laga saaray deeganka Saaxdheer ee gobalka Sool.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada