FBI-da oo aqoonsaday Qalaagii Daacish ee Qoorta ka gooyay Labadii wariye ee Mareykanka iyo ninkii British-ka ahaa

FBI-da oo aqoonsaday Qalaagii Daacish ee Qoorta ka gooyay Labadii wariye ee Mareykanka iyo ninkii British-ka ahaa

daajis.com:-FBI-da Mareykanka ayaa sheegay inay aqoonsadeen ninkii qoorta ka jiray Wariyeyaashii Mareykanka ahaa iyo Sama falihii u dhashay dalka Britain, kadib muuqaal bishii hore iyo horaantii bishan la soo geliyay baraha Internet-ka.

James Comey Madaxa FBI-da ayaa sheegay in ninkan la aqoonsaday, isagoo ka gaabsaday inuu sheego magaciisa iyo dalka uu u dhashay, hase ahaatee lahjada uu ku hadlayay ayaa aheyd lahjad British ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan Britain ayaa sheegay in ninkaas qoor-gooyaha ahaa la aaminsan yahay inuu yahay ninka looga shaki qabo inuu magaciisa yahay Abdel Majed Al-Bari.

Ninkan ka tirsan Khilaafada Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya ayaa ku labisnaa dhar madow, gacantana ku heystay midiyo uu surka uga jaray Labadii wariye ee u kala dhashay Mareykanka James Foley iyo Steven Sotloff iyo waliba ninkii sama falaha ahaa ee u dhashay David Haines.

Ninkan ayaa muuqaalo isku mid ahaa ka soo muuqday isagoo qoorta ka jarayay la heystayal u dhashay Mareykanka iyo Britain.

Ninkan ayaa muuqaalo isku mid ahaa ka soo muuqday isagoo qoorta ka jarayay la heystayal u dhashay Mareykanka iyo Britain

Muuqaalada argagaxa lahaa ee ay soo bandhigay Kooxda ISIS ama Daacish ayaa la rumeysan yahay gacan ka geysatay taageerada loo haayo duqeymaha cirka oo ay ilaa afartan dowladood isku baheysteen dagaal ka dhan ah Kooxdaas.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada