Dowlada Jarmalka oo Lagu Wareejiyay Rag Lala Xiriirinayo Al-shabaab.

Dowlada Jarmalka oo Lagu Wareejiyay Rag Lala Xiriirinayo Al-shabaab.

daajis.com:-Xafiiska Dacwad Oogayaasha wadanka jarmalka ayaa kudhawaaqay in dowlada Kenya ay jarmalka ku wareejisay laba nin oo wadankaasi udhashay kuwaa oo lala xiriirinayo in ay xiriir laleeyihiin Al-shabab.

Raggan ayaa dacwad oogayaasha lahorkeenay kahor inta aysan kasoo muuqan maxkamada federaaliga ah ee wadankaasi,waxaana lasheegay in xabsiga lagu sii heyndoono kahor inta aysan maxkamadeentooda bilaaban ,madama sida xafiiska uusheegay baaritaan iyo su’aalo weediin raggan lagu sameenayo.

Dacwad oogayaasha ayaa magacyada raggan ku kala sheegay Mounir T oo asal ahaan kasoo jeeda wadanka Tunusia iyo Abdiwahid ,wallow xafiisku uusan dhameystirin magacyada raggan.

“waxay katageen wadanka Germany sanadkii 2012 si ay ugu biiraan Al-shabab ,tababar ayey kaheleen kooxda Al-shabab ee Somalia” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xafiiska dacwad oogayaasha.

Dowlada Germany ayaa airport-ka Frankfurt ku xirtay horaantii bishan saddax ruux oo heesata dhalashada wadankaasi oo lagu tuhmay in ay xiriir laleeyihiin Al-shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada