Rooney oo sheegay sababaha ka dambeysa Guul darada Manchester united.maxay yihiin sababahaasi.

Rooney oo sheegay sababaha ka dambeysa Guul darada Manchester united.maxay yihiin sababahaasi.

daajis.com:-Wayne Rooneey oo ah Kabtanka kooxda Manchester United ayaa shaaca ka qaaday in uu ku jahwareersanyahay Cayaartoyda kooxdaas waxa uuna si kaftan ah u yiri qolka Labiska Man United waxaa looga baahanyahay secondary lagu barto luuqada Engilishka waayo qof walba oo halkaa jooga waxa uu ku hadlayaa luuqada Spain oo magaranayo Luuqada aan ku hadlayo maxaan u sheegaa marka.

Garoonka Old Trafford waxaa kusoo badanayey bilihii lasoo dhaafay Cayaartoyda kuhadasha luuqada Dalka Spain waxaana kamid ah Angel di Maria, Radamel Falcao  Ander Herrera, Juan Mata iyo David de Gea,waana tan kaqaylisiisay Rooneey oo uu u doonayo in primary lagu barto luuqada Dalka England loga furo gudaha kooxda Unitedka waxa uu intaa kudaray in dantu ku qasabtay in uu sida dhagoolkii ula hadlo isla markaana uu fahamsiin waayo waxa uu doonayo in uu u sheego xitaa markaan gool dhaliyo ma aqaan waxa ay igu yiraahdaan ayuu hadalkiisa kusii daray Rooneey.

Todobaadkii hore markii laga soo laabtay Cayaartii QPR hadalkii u horeeyey ee Macalin Luis Van Gaal waxa uu ahaa in looga baahanyahay Cayaartoyda kooxdaas in ay Bartaan luuqada Ingiriiska waxa uuna sheegay intaasi ay waajib tahay waayo waxaa loo baahanyahay in lays fahmo ayuu yiri Macalinka Dalka Holland.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada