Dowladda Kenya oo sheegtay in ciidamadeeda ay sii joogi doonaan Soomaaliya

Dowladda Kenya oo sheegtay in ciidamadeeda ay sii joogi doonaan Soomaaliya

daajis.com:-Madaxweynaha dalka Kenya ayaa shaaciyay in ciidamadiisa ay sii joogaan dalka Soomaaliya si ay ula dagaalamaan ururka Alshabaab, oo sheegtay masuuliyada weerarkii ka dhacay dhismaha ganacsiga Westgate ee dalka Kenya.


Madaxweynaha dalka ayaa hadal jeediyay sanad kadib markii Alshabaab ay dalkaasi ku dileen inka badan 67 ruux oo kusugnaa dhismaha ganacsiga oo ay ku sugnaayeen muddo afar maalin ah.

Uhuru Kenyatta oo hadalkiisa lagu soo daabacey wargeyska the Sunday Nation ayaa sheegay in shacabka Kenya iyo walaalahooda Somalia ay xaq u leeyihiin inay la dagaalamaan Al Shabab si Bariga iyo Geeska Afrika u noqdaan goobo nabad iyo xasilooni ay dadku ku naaloodaan.

Alshabaab ayaa weerarkii ka dhacay dalka Kenya waxay ku sheegeen inuu ahaa mid ay kaga jawaabayeen duulaanka ciidamada Kenya ay kusoo galeen dalka Soomaaliya sanadkii 2011.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada