Gabar 14 jir xanuun daran qabta oo laga masaafurinayo Swedan: Video

Gabar 14 jir xanuun daran qabta oo laga masaafurinayo Swedan: Video

daajis.com:-Dowladda Swedan ayaa dalkeeda ka masaafurinaysa gabar 14 sano jir Soomaali ah oo xanuunsan, taasoo gaari lagu riixo, una baahan daryeel caafimaad dheeri ah, waxaana lala masaafurinayaa iyo Hooyadeed.

Waaxda socdaalka Swedan (Migrationsverket) ayaa waxay go’aan adag ka qaateen gabadhan xanuunsan oo lagu magacaabo Iman iyo Hooyadeed Sahro oo ku nool magaalada Göteborg, waxaana loo masaafurinayaa dalka Talyaaniga oo ay sharci ku leeyihiin.

Wargeyska Göteborgs Posten ayaa soo bandhigay muuqaalka gabadhan yar ee dhibanaha iyadoo aysan awoodin inay hadasho, oo xaaladeeda ay adag tahay.

gabarxanuunsanWaaxda socdaalka Swedan ayaa arintan ay ku dhaqaaqeen ee diidmada ah waxay kala kulmayaan dhaleeceyn, waxaana loogu baaqay in ay muujiyaan naxariis, sharcigana lagu siiyo sababo caafimaad.

Waaxda socdaalka Swedan (Migrationsverket) ayaa ku adkeysanaya in gabadhan ay daryeel caafimaad ka heli karto Talyaaniga, inkastoo ay xuseen in xiligan aan la masaafurin doonin ilaa xaaladeeda ay ka hagaagto.

Hooyada dhashay gabadhan oo lagu magacaabo Sahro Joha ayaa waxaa qaba Omar Raage oo ku nool Swedan mudo dhan 18 sano.


Iyadoo sharciyada Sweden ay ku taalo eegista danaha caruurta iyo in aan la kala qeybin familada ayaa arintaan keeni doontaa in hooyada iyo ninkeeda lakala fogeeyo. Hooyada gabadha dhashay oo lagu magacaabo Sahro Joha ayaa ninkeena Omar Raage Abdi waxa uu Sweden ku noolyahay 18 sano.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada