Daawo:- Muungaab iyo Safiirka Talyaaniga oo isla shirbay

Daawo:- Muungaab iyo Safiirka Talyaaniga oo isla shirbay

daajis.com:-Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa maanta xaruntiisa kula kulmay Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Danjire Farbizio Marcelli, iyagoo ka wada hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Talyaaniga, gaar ahaan labada shacab ee Roma iyo Muqdisho.

Munaasabad soo dhoweyn ah oo Safiirka loogu sameeyay xarunta Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka, qeybaha bulshada, Fanaaniinta Hobolada Qaranka ee Waaberi iyo Barbaarta Gaashaamaan oo madasha ku soo bandhigay suugaan iyo cayaaraha hidaha iyo dhaqanka ku saabsan.

Danjire Farbizio Marcelli ayaa Madaxda Maamulka Gobolka Benaadir uga mahadceliyay soo dhaweynta ay u sameeyeen, isagoo xusay in dowladda Talyaaniga ay Maamulka Gobolka ka taageeri doonto horumarinta caasimadda dalka ee Muqdisho.Muungaab-Farbizio-4

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya uu gogol xaar u yahay casuumaad uu ka helay dhigiisa magaalada Roma ee dalka Talyaaniga halkaasi oo uu goordhaw u amba bixi doono, isagoo intaa ku daray in ay xoojinayaan cilaaqaadka labada dowladood, gaar ahaan tan dowladaha hoose.

“Waxaan ka wada hadalnay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsaneed doorashooyinka Dowladaha Hoose iyo dib u dhiska caasimada, waxaan kaloo ka wada hadalnay safarka aan bisha October ku tagi doonaa magaalooyin kamid ah dalka Talyaaniga” ayuu yiri Muungaab.

Dowladda Talyaaniga ayaa saaxiib dhow la ah Soomaaliya, inkastoo mudooyinkii danbe uu gaabis ahaa. Talyaaniga wuxuu horay u gumeystay gobolada Koonfurta Soomaaliya oo xornimadii ay ka qaateen 60-kii.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada