Daawo La Yaabka Aduunka Gabadh 26 Jir Ah Oo Lagu Eedeeyay Fal Danbiyeed Kufsi Ah.!!

Daawo La Yaabka Aduunka Gabadh 26 Jir Ah Oo Lagu Eedeeyay Fal Danbiyeed Kufsi Ah.!!

daajis.com:-Gabadh 26 jir ah Chantae Gilman oo ku nool magaalada Seatle ee dalka Maraykanka ayaa lugu eedeeyay in ay ku kacday fal danbiyeed kufsi ah , ka dib markii nin ay guriga isla degenaayeen uu ku soo eedeeyay in ay ku soo jabisay albaabka xili uu hurday islamar ahaantaana uu ka war helay gabadhan oo qabatay labadiisa gacmood.

Ninka ay gabadhani kula kacday falka kufsiga ah oo da’diisu tahay 31 jir, ayaa booliska ku soo wargeliyay dhacdadan 17kii bishii Juun isaga oo booliska u sheegay in isagu shakhsi ahaan aan uu hore gabadhan wax aqoon ah ugu lahayn marka laga reebo in ay guri ku wada noolaayeen, isaga oo intaasi ku daray in ay isyaqaaneen qaar ka mid asxaabta gabadhan.

Ninkan 31 jirka ah ee kufsiga loo geystay ayaa ku sheegay in ay gabadhani isticmaasho mukhaadaraad kala duwan, taas oo uu sheegay in ay ku kaliftay in ay ku kacdo falkan kufsiga ah ee ay kula kacday ninkan.

Gilman hore waxaa loogu soo oogay danbiyo ay ka mid ahaayeen isku day dhac iyo haysashada gaadhi ay soo xaday.

Saraakiil ka tirsan Booliska deegaanka ayaa sheegay in ninkan uu ka qayb galay xaflad uu dhigtay qof ka mid jaarkiisa kaas oo sida la sheegay ay isyaqaaneen Gilman, waxay booliku intaa ku dareen ninkan loo geystay kufsiga in uu saacado badan hurday isaga oo si adag u seexday maadaama uu maalintii oo dhan uu mashquulsanaa taasi waa ta keentay in aanuu ogaanin xiligii gabadhan ay gurigiisa u soo dhacaysay , isaga oo ka warhelay gabadhan gacmihiisa hoos u dhigaysa taas oo uu markii uu dareemay uu ku toosay.

Ninka falkan kufsiga lugula kacay ayaa toosay ka dib markii uu dareemay qof dul jooga taas oo markii danbe uu aqoonsaday in ay ahayd Chantae Gilam iyada oo gacmihiisana madaxa u saartay, sidaa waxaa warbaahinta u sheegay madaxa sirdoonka ee magaalada Seattle.

Saraakiisha Booliska ee magaalada Seatle ayaa sheegay in falkani yahay mid ugub ah , maadaama hore aan loo arag gabadh lugu soo eedeeyo fal danbiyeed kufsi ah oo aan hub la adeegsan laakiin waxay sheegeen in si kasta oo ay ahaato la eegi doono xaqiiqada intaa ka dib dhacdadan la waafajin doono sharciga.

Gabadha lugu soo eedeeyay falkan kufsiga ah ayaa iyadu beenisay in ay ku kacday falkan , iyada oo gebi ahaanba dafirtay in aanay galin qolka ninkan oo aanay la yeelanin wax xidhiidh galmo ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada