Shabaab badan oo isku soo dhiibay DF

Shabaab badan oo isku soo dhiibay DF

daajis.com:-Guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose, Cabduqaadir Maxamed Siidii oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha maxalliga ee Muqdisho ayaa sheegay inuusan hakad ku immaan howgalka badweynta Hindiya ee la rabo in dalka looga xorreeyo kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiye Siidii ayaa tilmaamay in howgalka aan la hakin balse baaq ka soo baxay xukuumadda oo ah in muddo 45 cisho ah ay isku soo dhiibaan Al-Shabaab si magangalo loo siiyo ay billaabatay isla markaana xubno Shabaab ay isoo dhiibeen tan iyo xilligaas.

Mar la weydiiyay tirada ilaa hadda is soo dhiibtay wuxuu ku sheegay in 10 ay ka badan yihiin waxaana ku jirra ayuu lee yahay saraakiil sar sare.

“Waxaan rabnaa in aan fursad siino dhallinyarada Shabaabka ee la qalday ee maskaxda laga badalay, ee howgalka Badweynta Hindiya ma uusan hakkan” ayuu yiri.

Guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose ayaa ku celceliyay in Shabaab laga saari doono dalka oo dhan ilaa iyo sannadkan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday howgalka badweynta Hindiya waxaa gacantooda ka baxday magaalooyin muhiim ah sida Buul-mareer, Jalalaqsi iyo Xudur. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada