Xoogsatada Dekeda Muqdisho oo sheegay in Shirkada lagu wareejiyay Dekeda aanay wax wada hadal ah la gelin

Xoogsatada Dekeda Muqdisho oo sheegay in Shirkada lagu wareejiyay Dekeda aanay wax wada hadal ah la gelin

daajis.com:-Xoogsatada Dekeda Weyn ee Magaalada Muqdisho oo Xubin ka aha Isu Tagga Ururweynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa mar kale cabasho ka muujiyay in aan wali wax wada hadal ah lala galin, loona sheegin wax ay ku shaqeyn lahaayeen iyo xuquuqdii ay lahaayeen.

Dadkan Muruq-maalka ee ka xamaasha Dekeda Muqdisho ayaa tilmaamay in lagula kacay shaqadooda falal ay ku sheegeen wixii lagu saaro qaad wixii lagu siiyanna qaado, taasi oo ay sheegeen inay ku sameynayaan maamulka dekeda weyn ee Muqdisho iyo shirkada Dekeda lagu wareejiyay ee Al-Bayrak, isla markaana loo diiday inay la heshiiyaan Ganacsatada Soomaaliyeed sida waafaqsan xeerarka caalamiga.

Sidoo kale waxaa ay ka codsadeen Mas’uuliyiinta sare ee dowladda Soomaaliya inay arrimahan soo fara-geliyaan, waxna ka qabtaan, waxaana ay codsi kaas la mid ah u direen Ururada Shaqaalaha Caalamiga sida ITF, EATUC, ITUC, ILO, OATUU.

Yuusuf Warsame Afrax oo ah gudoomiyaha xoogsatada Dekeda weyn ee Muqdisho oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aanay jirin wax heshiis ah oo ay la galeen shirkada lagu wareejiyay Dekeda.


“Waxaan arabaa in aan umada Soomaaliyeed u sheego in aan la heshiinin shirkada Turkida ee lagu wareejiyay Dekeda, cid aan is aragnay iyo wax aan ku heshiinayna intaba majirto, mana wada fadhiisanin, waxaana rabnaa in aan shacabka u sheegno in aan xoogsatada Dekeda Muqdisho loorkii ku dajinaa lix kun oo shilin Soomaali ah oo ay ka soo qaadaaan markabka dheaxdiisa kadibna banaanka u soo qaadaan, banaanka ilaa ay uga raraan gawaarida ilaa wiishka kuwa wado xitaa ay qeyb ka yihiin halka Bakaaraha iyo Suuqyada magaalada loorkii baqaarka lagu galiyo laba kun loogana soo bixiyo laba kun taas oo ah afar kun shilin Soomaali halka anagoo intaas laba laabkeed qabano ay tahay in la ilaaliyo dhididkeena aanan marna ogolaan doonin dad u soo tafa xeytay dhuuqida dhiiga shaqaalaha oo ay rabaan inay dhididka shaqaalaha ka taajiraan”ayuu yiri Yuusuf Warsame.

Cabashadan oo aan aheyn markii u horeysay ee ay jeediyaan Xoogsatada Dekeda Muqdisho, ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo maanta maamulka Dekeda lagu wareejiyay Shirkada Al-Bayrak oo laga leeyahay dalka Turkiga.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada