QISO DHAB AH:- Jaariyad ayaandaran oo qoyskeedii la kulantay 16 sano kadib

QISO DHAB AH:- Jaariyad ayaandaran oo qoyskeedii la kulantay 16 sano kadib

daajis.com:-Sheekada xanuunka leh ee Najmun Bee, jaariyadda ayaanka daran, waxaa loo akhrisanaa sida sheeko si toos ah uga soo baxday film murugo leh. Najmun waxay timid Boqortooyada Sacuudi Caraabiya sannadkii 1998-dii, si dhaqsi ahna waxaa u go’ay xiriirkii ay la lahayd ciddeeda kaddib imaanshaheedii.

Dal-ku-galkeedii iyo Baasaboorkeediiba waxay dhaceen muddo dheer ka hor. Hase yeeshee, waxay la sii joogtay reerkii Sacuudiga oo ay u shaqaynaysay, inkastoo aysan wax mushaar ah siinin muddo 16 sannadood ah.

Reerkeeda waxay isku dayaayeen inay ogaadaan meesha ay ku sugan tahay laga soo bilaabo 2002, ayadoo xataa laga baafiyay qalabka warbaahinta Hindiya.Najmun-bee2

Nasiib wanaagga Najmun oo ka timid Gobolka Tamil Nadu (india), waxaa dhibkeeda ogaatay naag SriLankaan ah oo ka shaqayso Riyaad.

Kaddib markii ay dalkeedii ku noqotay, jaariyaddii reer Sri Lanka, waxay xaaladda Najmun uga sheekaysay ruux Tamil Nadu ku nool. Warkii waa uu faafay, ugu dambayntiina wuxuu gaaray dadkeedii. Ayagoo warkaas qabo, walaasheed oo deggan Riyaad iyo walaalkeed Nadiir oo caasimadda dalka ka shaqeeyo, waxay labalaabeen baadidoonkoodii.

Goor dambe, wiilkii Najmun Saliim oo 17 jir ahaa markii hooyadiss soo dhooftay, wuxuu yimid Sacuudiga si uu ugu  shaqeeyo, wade ahaan qoys Sacuudi ah, asagoo rajaynaayo inuu hooyadiis helo. Nadiir iyo Saliim waxay la xiriireen safaaradda Hindiya si ay ugu kaalmayso baadigoobkooda.

Kaddib markii ay heleen halka ay Najmun ku sugan tahay, Nadiir wuxuu dacwad u gudbiyay Booliska oo Shaqo siiyahii ugu yeero Saldhigga Booliska Tuwaik ee Riyaad. Nadiir wuxuu yiri “Waxaan u mahadnaqaynaa sarkaalka safaardda Hindiya oo naga taakuleeyay in aan Najmun helno.



Najmun waxaa loo qaatay shaqo jaariyad, heshiiskuna ahaa SR 400 bishiiba. Hase yeeshee, waxaa la siiyay 2dii bil ee ugu horraysay laga soo bilaabo Febraayo 1998.

Nadiir wuxuu yiri “Shaqo siiyuhu wuxuu oggolaaday inuu bixiyo SR 92.000 oo ah mushaarkii 16 sanno, asagoo bixinaayo SR 10.000 Arbacada Sr 82.000-na 2 bil soo socoto.

Intii ay Sacuudiga ku sugnayd, Najmun war uma haynin in wilkeedii Caariif uu goor hore dhintay, gabadheediina oo idil la guursaday, wiilkeeda Saliim ahna uu 3 cunug leeyahay.
Najmun oo haatan la joogto walaalkeed Nadiir, waxay isu diyaarinee siday dib ugu noqon lahayd Gobolka Tamil Nadu ee dalkeeda Hindiya.

Axmed Moxamed Axmed

Isha: ArabNews

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada