Faah faahin ka soo baxaya dagaalo culus oo ka dhacay Gobolka Galgaduud

Faah faahin ka soo baxaya dagaalo culus oo ka dhacay Gobolka Galgaduud

daajis.com:-Wararka ka imaanaya deegaanka Ceel-Garas ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaalo xoogan ay xalay ka dhaceen deegaankaas, kadib markii xoogag ka tirsan Al-Shabaab ay weerar dhowr jiho ku soo qaadeen.

Deegaankan ayaa todobaadyo ka hor lagala wareegay Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka socda Itoobiya ay saldhigyo ka sameysteen.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal saacado badan qaatay uu labada dhinac ku dhex maray deegaanka, kaasoo ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ayaa sheegay in Al-Shabaab ka dileen ilaa tobaneeyo dagaalyahano, isla markaana ay wali gacanta ku hayaan deegaanka Ceel Garas.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalka ay ku dileen ciidamo fara badan oo Itoobiyaan, kuwaasoo gaaraya sideetan askari, isla markaana ay dagaalka si xun ugu jebiyeen sida uu sheegay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalada ay ahaayeen mid culus oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana goobihii lagu dagaalamay lagu arkay meydad dhinacyadii dagaalamay.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka socda Itoobiya ayaa ka wada Gobolka Galgaduud howl galka loogu magac daray Badweynta Hindiya, kaasoo ay kula wareegeen deegaano dhowr ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada