Daawo:- Taageerayaasha Daacish ee Aljeeriya oo digniin u diray France kuna hanjabay inay dilayaan Muwaadin dalkaas u dhashay!

Daawo:- Taageerayaasha Daacish ee Aljeeriya oo digniin u diray France kuna hanjabay inay dilayaan Muwaadin dalkaas u dhashay!

daajis.com:-Maleeshiyaad ka tirsan kooxda la baxday Ciidamada Khilaafada ayaa sheegay inay qafaasheen nin u dhashay dalka France oo lagu magacaabo Herve Gourdel oo ah 55 sano jir.

Kooxdan ayaa shaaciyey muuqaal ay kasoo duubeen ninkan Faransiisa ah oo codsi u diraya Madaxweynaha France. Muwaadinkan u dhashay France ayaa ka codsaday dowladiisa inay joojiso duqeymaha ay ka wado dalka Ciraaq oo ay la beegsaneyso xoogaga Daacish (IS).

Kooxdan ayaa u qabatay dowlada France muddo 24 saac ah inay ku joojiyaan duqeymahooda Ciraaq. Dowlada France ayaa todobaadkan bilowday duqeymo dhanka cirka ah oo ay ka wado dhulka Ciraaq.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee France Laurent Fablus oo shir jaraa’iid qabtay ayaa xaqiijiyey ninka la afduubay inuu u dhashay France, wuxuuna sheegay inay ka xun yihiin afduubkaasi, hase yeeshee dowlada France ayaa sheegtay inaysan wax gor gortan ah la geli doonin kooxaha Argagaxisada ah.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada