Puntland oo ciidamo iyo Tikniko geystay Waqooyiga Gaalkacyo

Puntland oo ciidamo iyo Tikniko geystay Waqooyiga Gaalkacyo

daajis.com:-Maamulka Puntland ayaa ciidamo iyo tikniko xooggan geysay Waqooyiga magaalada Gaaclkacyo, halkaasi oo laga cabsi qabo inuu ka qarxo dagaal dhex mara Puntland iyo ciidamada Galmudug.

Arintan ayaa ka danbeysay kadib markii Puntland ay xayirtay garoon diyaaradeed cusub oo Galmudug uu deegaankaasi ka dhistay, waxaana laga cabsi qabaa in ciidamada Galmudug ay jawaab ugu dhigaan arintan weerar ay ku qaadaan garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee Waqooyiga Gaalkacyo.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamadan oo ka yimid deegaanada Puntland ayaa xalay soo galay Waqooyiga Gaalkacyo, iyagoo xoojiyay ciidamo horay ugu sugnaa garoonka diyaaradaha ee ku yaal waqooyiga magaalada.taangi-duq-pl

Madaxweynaha Galmudug Cabdi Qeybdiid oo ku sugan Muqdisho ayaa warqad cabasho ah u qoray dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka, kadib markii Puntland ay xayiraad saartay garoon diyaaradeed ay dhowaan sameysatay Galmudug, isagoo mudo sedax cisho ah oo maanta ku eg u qabtay in ay go´aankaasi dib ugu laabato.

Mas’uul u hadlay Puntland ayaa ku sababeeyay tallaabada ay u xayireen garoonka Galmudug mid ay kaga hor-tagayaan in Galmudug ay hub kala soo degto garoonka ay sameysatay, isla markaana hubkaas colaad looga huriyo Gobolka Mudug oo uu sheegay inay xukunto Puntland.


Galmudug ayaa sheegay in hadii beesha caalamka iyo dowladda ay wax jawaab ah ka keeni waayaan xayiraada la saaray garoonkooda ay iyana xayiraad la mid ah taas saari doonaan garoonka diyaaradaha C/llaahi Yuusuf ee ay gacanta ku heyso Puntland.

Dadka deegaanka ayaa ka cabsi qaba in colaad horleh iyo dagaallo dhiig ku daado in ay ka dhacaan magaalada Gaalkacyo oo labada maamul ay isla wadaagaan maamulkeeda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada