Falanqeynta Merseyside derby Liverpool iyo Everton.

Falanqeynta Merseyside derby Liverpool iyo Everton.

daajis.com:- Liverpool iyo Everton.Xilli galabta 2:45 saacadda geeska Africa garoonka Anfield ee kooxda Liverpool ay kula cayaari doonto kooxda ay xafiltamaan ee Everton,ayaa hada waxaa laga joogaa sideed bilood markii isugu danbeysay labadan koox.

Liverpool ayaa 4-0 ku martay garoonka Anfield bishii January, ee sanadkii hore,laakiin kulankan Merseyside, ayaan laga hordhici karin maadaama ay wax iska bedeleen qab cayaareedka labadan kooxood oo xidigo ay ka tageen,qaarna kusoo biireen..

Kulamada guud ee derbiga ayey wada yeesheen 222 jeer galabta kahore,waxaana 89-katirsan guuleysatay kooxda Liverpool,halka 66 jeer Everton guushu hesyay 67-jer ayeyse bar-bar dhac ku kala tageen,

Kulankii ugu goolasha badnaa labadan koox,waxaa la dhaliyey 11 gool waxayna ahayd sanadkii 1933-dii xiligaasii Liverpool ku badisey 8-4.

Ilaa 13 gool oo kamida 222-kaasi cayaarood ayaa leyska dhaliyey goolasha qaladka ah ee Own-goal,waxaana 3 iska dhaliyey Liverpool halka 10-jeerna Everton si ka’ma ah isaga dhaliyeen.


566-gool ayaa la dhaliyey 222-kaasi kulan ee merseyside derby Liverpool ayaa dhalisay 311,halka Everton ay dhalisey 255.

Everton oo ku badisa garoonka anfield waxaa ugu danbeeysay 15-sano kahore,waxayna ahayd 27-ka September 1999 kevin Campell ayaana dhaliyey halka gool qura ee xiligaa Liverpool lagu garaacay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada