Maxaa Ka jira in Xubno wasiiro ah ay gaareen Gaalkacyo iyo xiisad wali ka taagan Magaaladaasi.

Maxaa Ka jira in Xubno wasiiro ah ay gaareen Gaalkacyo iyo xiisad wali ka taagan Magaaladaasi.

daajis.com:- Warar hada Soo dhacay ayaa waxaa ay sheegayaan in tiro Wasiiro iyo Saraakiil ciidan oo katirsan Maamulka Puntiland ay gaareen Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee maamusho Maamulka Puntiland xili ay Magaaladaasi ka jirto xiisad u dhaxeysa Maamulada Puntiland iyo Galmudug.

Wasiiradan iyo Saraakiisha Ciidan oo shalay galinkii dambe ka ambo baxay Magaalada Garawe ayaa xalay gaaray Magaalada Gaalkacyo oo ay xalay ku hoydeen, waxa ayna maanta magaaladaasi kulamo kula leeyihiin Masuuliyiin iyo waxgarad kasoo jeeda Waqooyiga Gaalkacyo.

Wafdiga Wasiirada iyo saraakiisha Ciidan ee xalay gaaray Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo waxaa kamid ah Wasiirada, Amniga, Waxbarashada, Duulista Hawada iyo taliye xigeenka Ciidamada Maamulka Puntland,.

Sikastaba Magaalada Gaalkacyo waxaa ka taagan xiisad u dhaxeysa Labada Maamul ee kala maamula Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo, waxaana murankan uu ka dhashay xayiraad Putiland ay kusoo rogtay garoon Diyaaradeed oo maamulka Galmudug ka dhistay Gaalkacyo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada