GalMudug:- Waxaan weerareynaa garoonka Gaalkacyo

GalMudug:- Waxaan weerareynaa garoonka Gaalkacyo

daajis.com:-Maamulka Galmudug ayaa jeediyay hanjabaad ah inay weerari doonaan garoonka diyaaradaha Gaalkacyo oo Puntland ay maamusho, iyadoo sidoo kale ay ku dhawaaqday in wax diyaarad ah soo caga dhigan karin.

Arintan ayaa ka danbeysay kadib markii Maamulka Puntland afar maalin ka hor joojisay diyaarad kasoo degi laheyd garoon ay sameysatay Maamulka Galmudug, taasoo siday Madaxweynaha Galmudug Cabdi Qeybdiid.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Tahliil oo ka tirsan Baarlammaanka Galmudug ayaa sheegay in garoonka Gaalkacyo wixii maanta laga bilaabo garoonka Gaalgacyo ee Puntland maamusho inuu yahay mid diyaaradaha ka caaggan wax duulimaad ah oo kasoo degi karaana aanu jirin.Galkayo-airport-somalia-001

Dhinaca kale, saraakiisha ciidamada Puntland ee ku sugan gobolka Mudug ayaa sheegay in ciidamadoodu heegan ugu jiraan sidii ay u difaaci lahaayeen garoonka Gaalkacayo.


Puntland ayaa tallaabada ay ku diiday garoonka Galmudug waxay ku micnaysey mid looga hortegayo in magaalada Gaalkacayo ay yeelato labo garoon oo masaafo yar isu jira, maadaama ay taasi tahay mid khatar badani ka dhalan karto.

Maamulka Galmudug ayaa arintaasi ka horyimid, iyadoo Cabdi Qaybdiid,  qoraal cabasho ah u gudbiyay Dowladda Federaalka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay, in mudo 3 cisho ah gudahood haddii aan wax laga qaban ay qaadi doonaan tallaabo ay kaga jawaabayaan arintaasi, mudadaasi oo ku ekeyd shalay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada