Dagaal ka dhacay Gaalkacyo oo dad badan ay ku dhinteen

Dagaal ka dhacay Gaalkacyo oo dad badan ay ku dhinteen

daajis.com:-Dagaal sababay dhimashada Lix qof ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaasoo ka dhashay qaabkii loo qeybsan lahaa Lacag madax furasho ah oo laga qaatay Wariye u dhashay dalka Jarmalka haystana dhalashada Mareykanka oo mudo Labo sano ah lagu haystay gobolka Mudug.

Weriye Micheal Scott Moore oo 45 jir ah ayaa dableyda haysatay waxaa madax furasho ahaan loo siiyay lacag dhan $2 million sida uu wakaalada wararka u sheegay mid ka mid ah dabley ku dagaalantay magaalada Gaalkacyo, balse wuxuu meesha ka saaray in lagu dagaalamay arrimo dhaqaale, dagaalkuna u dhacay si kam ah.

dagaal-gaalkacyo Sarkaal lagu magacaabo Colonel Mohamed Aden ayaa u sheegay Reuters isagoo ku sugan Gaalkacyo in uu rumeysan yahay in dadka ku dagaalamay Gaalkacyo kuna lug lahaa afduubka saxafiga ay ahaayeen dad qaraabo ah.

“Ma garanayo inta ay gaarsiisan tahay lacagta ay qaateen kooxda afduubka ka dambaysay balse waxa ay dagaalameen kahor intii aysan qeybsan lacagta,”ayuu yiri sarkaalkan.

Wariye Micheal Scott Moore ayaa Tallaadadii dib u helay xorriyadiisa, waxaana sii deysmadiisa iska kaashaday Dowladda Jarmalka iyo Mareykanka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada