Sheekh Maxamed Idiris Oo Sheegay In Buugga (Xadka Ridada Maxaa Ka Run Ah) Uu Ka Horimaanaayo Diinta Islaamka

Sheekh Maxamed Idiris Oo Sheegay In Buugga (Xadka Ridada Maxaa Ka Run Ah) Uu Ka Horimaanaayo Diinta Islaamka

daajis.com:-Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah Culima'udiinka Somaliyeed kuwooda ugu waaweyn, ayaa waxa uu ka hadlay buugga loogu magac daray (Xadka Ridada Maxaa Ka Run Ah).

Sheekh Maxamed Idiris, ayaa qoraal uu soo saaray si degan kaga hadlay waxa uu ku qotomo buuggaan, iyadoo uu qoraalka ku sheegay in ninka qoray buugga uu garanaayo, isla-markaana ay ku noqoto wax uu u qaadan waayay.

Qoraalka Sheekh Maxamed Idiris, ayaa sidatan u qornaa

“CABDI SICIID IYO BUUGGA RIDDADA!”

Markii aan arkay buugga magaca korkiisa ku qoran, waxaan rumaysan waayey inuu yahay ninkaan aqaaney, ee Makka Al Mukarramah (Allaha Ilaashee) Sanada Badan aan isla deganayn, oo isku naqaaney!! Si aan shakiga uga boxo ayaan wacay nin ay walaala yihiin oo akhyaara Dr. Abdirashid Ismaciil, Wuxuu ii sheegay inuu isagii yahay! Marna ma aanan filan waxa buuga laga soo sheegay inuu qorayo Cabdi Siciid, inkastoo xoogaa (Naqdi ah) aan ku ogaa.

Cabdi wuxuu ahaa nin dhalin yar oo af gaaban, Jaamacadda Ummul Qura ee Makka Al Mukkarramah, ayuu dhiganayey waqtigaas aan bartay qaybta (Dhaqaalaha Islaamiga) (Islamic Finance ama Islamic Economics) Wuxuu ogaantay qaatay heerka 1aad iyo 2aad ee Jaamacadda (Bsc iyo Master Degrees) wuxuuna bilaabay heerka 3aad ee phD, laakiin ogaantay ma uusan ku dhamaysan.

Ka dibna wuxuu u guuray gudaha Somaliya oo uu ka shaqaynayey.. Adduunyadu Waa Imtixaan, Fitnadeeduna wey badantahay, waana kala duwanthay, waxaase ugu dhib badan oo aan laga soo waaqsan karin fitnada diinta, Musiibooyinka adduunkuna wey badan yihiin, laakiin waxaa ugu dhib badan Musiibada diinta kaa gaarta, sidaas darteed ayey ahayd ducadii Nebiga Calayhi Salatu wa salaam macneheedu ahaa: ( Ilaahow Musiibadayada diintayada ha ka dhigin) Waayo Musiibada adduunyo waa laga soo waaqsan karaa, laakiin tan diinta kaa gaarta waa ayaan darrada ugu weyn ee aan kaa harin.

Cabdi Siciid wuxuu faraha la galay meel halis ah, Ilaahay nama fidneeyo, rag badan oo horay u galayna ay la tagtay oo hog xun ku riddey, diintana waxba yeelimeyso, kuwa hore oo ka ad adag ayaa isku deyey arrimahaan uu hadda qoray iyo ka daran, laakiin iyaga ayaa meel xun ku dambeeyey, diinta iyo dacwadana wax ma yeelin, tiisuna kama duwana, laakiin isagey ku haboon tahay inuu is daba qabto hadiiba daba qabasho jirto!!

Boqol Sano ka hor wadaad Azhari ah oo Cali Cabdirazaq la dhoho ayaa qoray kitaab la yiraahdo (Al Islam Wa Usuulul Xukm) (Islaamka iyo Asaaska Xukunka) dulucdiisuna ahayd: Islaamku Xukun Shaqa Kuma Leh, Diinta iyo Xukunkana la kala geeyo, reer galbeedka iyo Cilmaaniyadda ayaa u sacab tuntay, laakiin Ummadda Islaamku waa tuftay, Rag ayaa ku day day uu Ka mid ahaa Qoraagii weynaa Khalid Muxamad Khalid (ninkii Qoray Rijaal Xawla Rasuul) wuxuu isna qoray kitaab la dhoho: (Min Hunaa Nabda’) (Halkan ayaan ka bilaabeynaa) oo uu kaga hadlay inaan diintu xukunka shaqa ku lahayn!

Laakiin Khalid Muxmad Khalid Allaha u Naxariistee, 30 sano ka dib intaanu dhiman ayuu fikirkaas ka noqday, oo wuxuu qoray kitaab kale oo la yiraahdo (Al Xukuuma Al Islaamiya).

Wexey Ila tahay Kitaab Ilaahay iyo Diintiisa iyo Rasuulka Calayhi Salaatu Wasalaam iyo Saxaabada, lagu maagayaa inaanu meelna gaari hayn, diintayna waxba yeelayn, qofkii qoray uun baa fitno inuu ku dhoco ay qornayde, diinta iyo dacwadu uma joogsaneyso, Ummadduna wey tuftaa ilaahay amarkii

Culimadu ayaa ku filan iney ka hadlaan inshallaah, hadalkooda hala sii share gareeyo, wax badanna yaan lasii wad wadin oo dicaayad loo samayn, dadka kalena waxba yey isku mashquulin oo raadin kitaab aan qiima lahayn..Ilaahow Hanna Fitnayn oo Dariiqaaga xaqaa nagu sug!

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada