garsoorkiisu Dowlada Iran oo amray in xukuumadu mamnuucdo aaladaha WhatsApp, Viber iyo Tango(Sebebtu Maxey Tahay)

garsoorkiisu Dowlada Iran oo amray in xukuumadu mamnuucdo aaladaha WhatsApp, Viber iyo Tango(Sebebtu Maxey Tahay)

daajis.com:-Garsoorka dalka Iran, ayaa amar ku siiyey xukuuumadda muddo bil ah gudaheed in ay ku xidho mareegaha internetka ee dadku farriimaha isugu diraan, gaar ahaan kuwa la yidhaa WhatsApp, Viber iyo Tango.

Madaxa Garsoorka Iran Gholam Hossien Mohseni-Ejei, ayaa Wasiirka Is-gaadhsiinta Iran ku eedeeyey inuu ku guul darraysay inuu xidho mareegaha bulshadu ku kulanto ee dhanka internetka, kuwaasoo uu sheegay in ay ka dhashaan dambiyo iyo dhaqan xumo aad u badan.

Garsoorka Iran,“Muddo saddex bilood ah oo la siiyey asaxaabtaada iyo adiga oo waqti idinku filan ahayd, wax tallaabo ah maydaan qaadin oo aad kaga jawaabaysaan dhaqan xumada iyo dambiyada islaamka ka dhanka ah,” ayuu Mohseni-Ejei uu yidhi.

ayaa dabataagan hadal uu Madaxwnahoodu ku dhawaaqay oo uu ku sheegay in Internetku yahay fursad, balse aanu khatar ku ahayn bulshada, iyagoo arrinkaas si cadho ugaga jawaabay inuu si dhakhso ah xukuumadiisu u mamnuucdo mareegaha bulshadu farriimaha isugu dirto ee dhanka internekta

Hore waxay u mamnuuceen in telefiishannada laga daawado muusig iyo waxyaabaha la mid ah, kuwaasoo ay waddaadada garsoorka ka ah dalkaas sheegeen in ay ka soo horjeedo akhlaaqiyaadka shacabka.

Dad aad u badan oo isticmaala internetka iyo mareegaha dadku ka kulmaan ayaa xabsiga hore loogu taxaabay, gaar ahaan waqtigii mudaharaadka lagaga soo horjeeday sannadkii 2009 madaxweynihii hore ee Iran, M. Maxamuud Axmedinejad.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada