Lahaysta Marekan ah oo afduub ahaan loogu haystay gobolka Mudug oo la siidaayay (Video)

Lahaysta Marekan ah oo afduub ahaan loogu haystay gobolka Mudug oo la siidaayay (Video)

daajis.com:-Micheal Scott  oo ah saxafi muddo ka badan saddex sanno afduub ahaan loogu haystay koonfurta gobolka Mudug ayaa maanta dib xariyadiisa u halay.

Wariyahaan waxaa la sheegay inuu u dhashay dalka Marekanka balse uu la shaqeynayey warbaahin ka howl-gasha dalka Jarmalka.

“Waxan ahay wariye Marekan iyo Jarmal ah,”ayuu yiri Micheal xilligii uu u afdubna kooxdii haysatay.

Micheal Scott  ayaa la afduubtay January 2012-kii waqtigaas oo uu doonayay innuu wax ka qoro Soomaaliya iyo Burcad-badeeda,waxuuna muddo saddex sanno ah kooxda afduubatay ay ku haysatay dhul baadiyo ah oo ku yaalla koonfurta gobolka Mudug oo ay ka arrimiso Galmudug.

Burcada haystay wariye Micheal Scott waxaa looga siidayey lacag dhan 1.5 $ Milyan 
Burcada haystay wariye Micheal Scott waxaa looga siidayey lacag dhan 1.5 $ Milyan

Axmed Muuse Nuur guddoomiye ku-xigeenka labaad ee gobolka Mudug ee Puntland oo muddo koobana ay wada joogen saxafiga Micheal ayaa u sheegay HMN in wariyahaan lagu soo wareejiyay Puntland si nabad-gelyo leh looga dhoofiyay garoonka diyaaradaha C/llaahi Yusuf Axmed.

“Puntland ayaa lugu soo wareejiyey Micheal,muddo saddex sanno ah ayuu u afdubna koox burcad ah oo ku haysatay koonfurta gobolka Mudug,balse hadda si nabad-galoyo ayaa looga dhoofiyey garoonka Cabdullaahi Yuusuf ee Gaalkacyo.”ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee Puntland.


Nuur waxuu sheegay madaxda sare ee dowladda inay ka shaqeeyeen soo deynta wariyaha oo markii danbe lugu guulaystay,waxuuna sheegay wariyaha in la qafaashay xilli uu ku socday koonfurta Gaalkacyo.

Diyaar gaar ah ayaa wariyaha ka qaaday garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

Micheal  waxaa la sheegay in lugu sii daayey lacag la siiyey kooxdi afduubka u haysatay muddada dheer,HMN ayaa loo xaqiijiyey lacag dhan 1.5-$ Milyan oo doollar in la siiyey burcadkii wariyaha haysatay.

“1.5 $ Milyan oo doollar ayaa lugu sii daayay wariyaha,waxaana muddo ay wada-hadal u socotay kooxda wariyaha hay-satay iyo dadkii ku howlana in la siidayo wariyaha,”ayuu yiri mas’uul u xaqiijiyey HMN lacagta la siiyey kooxda haysatay wariyaha.

Galmudug ayaa dhowr mar isku dayday inay si xoog ah uga soo furato burcada uu wariyahaan u afdubna,balse dadaallada ma sura-galin,inkasto xilligan lacag la siiyey kooxda wariyaha haysatay oo sii daysay.

Muuqal laga duubay xilligii uu u afduubna wariyaha kooxdii haysatay

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada