Puntland : Garoonka Baraxleey waxaa laga dhisey meel qaldan

Puntland : Garoonka Baraxleey waxaa laga dhisey meel qaldan

daajis.com:-Maamulka Puntland ayaa ka jawaabay eedeymo maamulka Galmudug uu usoo jeediyey kaasi oo ahaa in Puntland ay is hortaagtay in ay dagato dayuurad uu saarnaa Cabdi Cawaale Qeybdiid.

Puntland waxa ay sheegtey in arrinka dayuuradaha ay u diidey in ay ka dagaan garoonka Baraxleey uusan ahayn mid salka ku haya arrimaha siyaasadda, balse uu yahay mid quseeya badbaadada gaadiidka cirka.

Waxa ay Puntland sheegtey in garoonka Baraxleey uu ka dhisanyahay meel qaldan oo aad ugu dhow garoonka rasmiga ah ee Gaalkacayo, islamarkaasina aanan la waafajinin xeerarka caalamiga ah ee garoomada dayuuradaha.

Puntland waxa ay ka shanqarineysaa in ay suurogal tahay in dayuuradaha hawada isku jiiraan haddii ay kasoo xaglo baxsadaan meelo aad isugu dhow, iyaga oo aanan kasoo dagaynin hal garoon .


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada