Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ciidamada oo la magacaabay

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ciidamada oo la magacaabay

daajis.com:-Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidamada qalabka sida iyo maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Col. Liibaan Cali Yarow oo ahaa Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Darajada koowaad ayaa loo dalacsiiyay Gudoomiyaha

Maxkamada sare ee Ciidamada qalabka sida, kadib markii Gudoomiyihii xilkaas hayay C/raxmaan Tuur Yare loo magacaabay Taliyaha Hey’adda Nabadsugida Qaranka.
liibaan-ali-yaroowe

Sidoo kale Gudoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida waxaa loo magacaabay G/lle Xasan Cali Nuur Shuute oo sanadkii 2009-kii ka baxay Jaamacada Muqdisho kulyadeeda Qaanuunka iyo Sharciga.

Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida Liibaan Cali Yarow ayaa ku soo waxbartay dalka Suudan, isagoo bartay Qaanuun iyo Shareecada, sidoo kale waxaa uu diyaariyay Shahaadada Master.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada