Maamulka Gobolka Sh/dhexe oo Diiday Magacaabistii Gudoomiye Kuxigeenadii……

Maamulka Gobolka Sh/dhexe oo Diiday Magacaabistii Gudoomiye Kuxigeenadii……

daajis.com:-Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen ayaa la sheegay inuu saluugsan yahay magacaabidii Gudoomiye kuxigeenadii Gobolka, iyadoo magacaabidan ay durba ka dhalatay cabasho xoog leh oo ka yimid Beelaha ku dhaqan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wareegto shalay ka soo baxday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/llaahi Goodax Barre ayaa lagu magacaabay Afar kuxigeeno, taasoo ah abid tii ugu badneyd ee soo marta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qaar ka mid ah Beelaha ku dhaqan Gobolka ayaa durba ka hor-yimid, iyagoo ku tilmaamay magacaabista mid la duudsiiyay xaqii ay lahaayeen beelaha kale, hase ahaatee Gudoomiyaha Gobolka Cali Guudlaawe ayaa cabashadan darteed u soo aaday Magaalada Muqdisho, si uu ugala hadlo Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Gudoomiye Cali Guudlaawe uu ku doodayo in aan lagala tashan magacaabistaas, isla markaana isaga aanu soo jeedin, maadaama doorka uu dastuurka siinayo ay tahay inuu soo jeedin karo marka la magacaabayo Kuxigeenadiisa.

Mr Guudlaawe ayaa u gudbin doona Mas’uuliyiinta dowladda cabashada beelaha ay ka muujiyeen magacaabidii Gudoomiye kuxigeenada, taasoo lagu tilmaamay mid baal marsan habka awood qeybsiga.

Ilo wareedyada ayaa intaa ku daraya in Gudoomiyaha uu xataa saluugsanaa in la kordhiyay kuxigeenadiisa, taasna ay siyaasad ahaan ka imaan karto is qab qabsi xaga shaqada.

Dhinaca kale Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa diyaarinaya banaan bax iyo kulamo ay uga soo horjeedaan magacaabistii Gudoomiye kuxigeenada Gobolka Shabeelaha Dhexe oo lagu tilmaamay in aan loo marin habkii saxda ahaa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada