Soomaalida Mareykanka oo ka shiray dhalinyarada ku biiraysa kooxda Daacish.

Soomaalida Mareykanka oo ka shiray dhalinyarada ku biiraysa kooxda Daacish.

daajis.com:-Shacabka dhaqan magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa kulan ay kaga hadlayeen ku biirtaanka kooxda Daacish waxay ku yeesheen magaaladaasi.

Inka badan 60 ruux ayaa kulankaasi ku yeeshay magaalada Minneapolis, waxaana kala qeyb galay kulanka masuuliyiin ka socotay dowlada Mareykanka, iyadoo looga arinsanayay qaabka dhalinyarada looga joojin karo ku biiritaanka kooxda Daacish.

Cali Xeyle oo kamid ah dadkii kulanka ka qeyb galay ayaa soo jeediyay in dowlada ay bulshada kala shaqeyso sidii dhalinyarada looga dhaadhicin lahaa fikirka ku biiritaanka kooxdaasi.

Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay Cali Xayle, in isbedel uu imaan doono, isagoo sheegay in dhankooda ay muujin doonaan dadaal ku aadan sidii dhalinyarada loo joojin lahaa.

Dhalinyaro badan oo ku noolaa gobolka Minnesota oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya ayaa ka tagay dalka Mareykanka kuwaasi oo ku biiray kooxda Daacish ee ka dhisan dalka Syria.

Mr Xeyle iyo Soomaalidi kale ee madasha ka hadlay ayaa sheegay in ka hortaga dhalinyarada ka tagaya magaalada Minneapolis ee ku biiraya kooxaha ka dhisan dalalka Soomaaliya iyo Syria ay fursad u tahay Soomaalida Minneapolis.

Amano Dube, agaasimaha xarunta bulshada ee Minneapolis ayaa sheegay in dhalinyarada ay wanaagsan tahay ku mashquuliada dhanka waxbarashada iyo iskuulada ku yaala magaaladaasi.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada