Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Milateri ahaan ay ka adkaadeen Al-Shabaab

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Milateri ahaan ay ka adkaadeen Al-Shabaab

daajis.com:-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay fadhiga Golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay arrimaha Soomaaliya iyo horumaradii ay sameysay dowladdiisa mudadii labadii sano.

Khudbada Madaxweynaha oo aad u dheereyd, dhinacyo kala duwan taabaneysay ayaa qiray in xaalado bani’aadanimo ay ka jiraan dalka, isagoo xusay in ilaa saddex malyuun oo ruux ay u baahan yihiin gar gaar bani’aadanimo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo cadeeyay in milateri ahaan uga adkaadeen, kadib markii ay ka saareen deegaano muhiim ah.

“Milateri ahaan waa ka adkaanay Al-Shabaab, ciidamadeena iyo kuwa AMISOM ayaa ka xoreeyay deegaano muhiim ah, hada waxaa kala wareegnay Al-Shabaab 70% dalka oo dhan”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo intaa ku daray in Ciidamada qalabka sida uu wali ku socdo dhismo si ay awood ugu helaan inay ammaanka dalka la wareegaan.


Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeedinaya fadhiga golaha guud ee Qaramada Midoobey
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeedinaya fadhiga golaha guud ee Qaramada Midoobey

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in meel wanaagsna u marayaan sameynta maamuladii dalka, isagoo xusay inay horumar ka sameeyeen dowlad wanaaga iyo arrimaha dhaqaalaha sida uu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in sanadka 2016 ay rajeynayaan in dalka ka dhacdo doorasho xor ah, si dadku ay hal cod iyo hal qof ugu codeeyaan.

Madaxweynaha ayaa xusay in Soomaaliya ay wali u baahan tahay taageerada beesha Caalamka, si ay lugaheeda dib ugu istaagto.

Khudbadan ayaa ah tii labaad oo uu Madaxweynaha ka hor jeediyo fadhiga Golaha guud ee qaramada Midoobey oo sanadkiiba mar ay ku kulmaan magaalada New York ee dalka Mareykanka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada