Mareykanka oo bilaabay duqeyntii u horeysay oo ka dhan ah kooxda ISIS ee Suuriya

Mareykanka oo bilaabay duqeyntii u horeysay oo ka dhan ah kooxda ISIS ee Suuriya

daajis.com:-Mareykanka iyo dalal ka tirsan Carabta oo isbaheysi ku ah dagaalka ka dhanka ah kooxda ISIS ayaa qaaday weerarkii u horeeyay oo dhinac cirka ah goobo kooxdaas kaga sugan yihiin dalka Suuriya.

Afhayeen u hadlay Pentangon-ka Mareykanka ayaa sheegay inay bilaabeen duqeyntii u horeysay oo ay ka geysanayaan Suuriya, si ay u bur buriyaan kooxda Daacish oo awood ku leh Suuriya iyo Ciraaq.

Admiral John Kirby oo ah Afhayeenka Pentagon-ka ayaa sheegay in diyaaradaha xambaara bambaanooyinka iyo kuwa dagaalka ee gantaalada ridada dheer loo isticmaalay weerarka.

Mareykanka ayaa horay ilaa 190 weerar xaga cirka ah ka geystay Ciraaq, iyadoo lagu bartilmaameedsaday saldhigyo kooxda ISIS ku lahaayeen waqooyiga Ciraaq.

Dowladda Suuriya ayaa la sheegay in lagu wargeliyay weerarkan cirka oo lagu qaaday islaamiyiinta Daacish ee ku sugan qeybo ka mid ah dalkaas.

Si kastaba ha ahaatee duqeyntii isniintii shalay ayaa noqoneysa tii u horeysay oo ka dhan ah Daacish lagu qaado meel xuduuda caalamiga ee ka tallaabta Suuriya.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada