Puntland oo beenisay inuu hakad galay garoonka diyaaradaha ee Gaalkacay+Sawirro

Puntland oo beenisay inuu hakad galay garoonka diyaaradaha ee Gaalkacay+Sawirro

daajis.com:-Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa beenisay warar been abuur ah oo ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta dalka oo sheegayay inuu hakad galay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacayo.


Wasiirka warfaafinta ee maamulka Puntland mudane Cabdiweli Xirsi Indhoguran ayaa beeniyay inuu hakad galay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacayo,iyadoo warbaahinta dalka qaarkood ay baahiyeen inuu hakad galay duulimaadka diyaaraha, kadib hanjabaadii maamulka Galmudug.

Balse wasiirka ayaa tilmaamay in arintaasi ay tahay mid been abuur ah, isagoona sheegay in garoonku uu shaqeynayo islamarkaana ay diyaaraduhu kusoo daganayaan, kana duulayaan.

Wasiirka ayaa sheegay in maamulka Galmudug aysan heysan awood ay ku hor istaagto duulimaadyada garoonka diyaaradaha ee Gaalkacayo, waxaana uu sheegay in haatan ay jiraan diyaarado garoonka fadhiya iyo kuwa ka duulayo intaba.

Cabndiweli Xirsi ayaa intaasi ku daray inay difaacayaan garoonka hadii laisku dayo in lasoo weeraro.

Garoonka Cabdullaahi Yuusuf International Airport ayaa waxaa gacanta ku hayay tan iyo markii ay bur-burtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland,iyadoona garoonka uu ka mid yahay afarta garoon ee Soomaaliya ugu dhaq dhaqaaqa badan.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada