Qeybdiid oo ka hadlay xayiraad Puntland kusoo rogtay Galmudug

Qeybdiid oo ka hadlay xayiraad Puntland kusoo rogtay Galmudug

daajis.com:-Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa ka hadlay xayiraad maamulka Puntland uu kusoo rogay garoon diyaaradeed ay dhawaaan laga furay Koonfurta Gaalkacyo.

Wuxuu sheegay Cabdi Qeybdiid in Dowladda Federaalka iyo beesha caalamka ay u direen warqad ay kaga cabanayaan arintaasi, isagoo intaa raaciyay in haddii Sedax cisho gudahood aysan jawaab ugu helin dowladda federaalka ay qaadan doonaan go´aan cad.

“Warqad cabasho ah oo aan kaga dacwooneyno xayiraad Maamulka Puntland uu ku soo rogay garoonka diyaaradaha Galmudug oo ah garoon aan dhowaan furanay oo ku yaal Koofurta Galkacyo meel 10-KM u jira magaalada ayaa Puntland ay diiday inay wax diyaarad ah ku soo degto, waxaan dowladda ka codsanay inay saddex cisho noogu soo jawaabto”ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.

qeybdiidJen. Cabdi Qeybdiid oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa Idaacada BBC-da u sheegay in saddex cisho ay u suura geli la’dahay inuu Galkacyo diyaarad ku tago, kadib markii diyaaradihii geyn lahaa ay Puntland u digtay inaysan kusoo degin garoonka Koonfurta Gaalkacyo laga hirgeliyay.

Jen. Cabdi Qeybdiid ayaa ku hanjabay hadii muddo saddex cisho ay dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka ay jawaab kaga heli waayaan ay inay shacabka Galmudug qaadan doonaan go´aankooda.

Mar la weydiiyay sababta ay garoon diyaaradeed oo gaar ah u sameysteen ayuu ku tilmaamay in dhibaatooyin badan oo lagu qabay garoonkii diyaaradaha Qaranka lahaa laheyd oo ay gacanta ku heyso Puntland iyo marar badan oo ay falal amni dari ka dhaceen darteed ay u sameysteen garoon diyaaradeed, kadib markii ay tashadeen ganacsatada iyo dadka reer Galmudug.

Sidoo kale Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in arrintan uu kala hadlay Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa, si xayiraada looga qaado garoonka diyaaradaha ay sameysteen, si ay diyaaradaha ugu degaan, hase ahaatee aanay arrintaas waxba ka qaban sida uu yiri.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaaa kala maamulada Puntland oo Waqooyi ah iyo Galmudug oo Koonfurta gacanta ku hayso. iyadoo colaado hore ay labada dhinac dhex mareen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada