Ra’iisul Wasaaraha oo cudur daar iyo raali gelin ka siiyay Baarlamaanka wareejintii Dekeda (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha oo cudur daar iyo raali gelin ka siiyay Baarlamaanka wareejintii Dekeda (Sawirro)

daajis.com:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa cudur daar iyo raali gelin ka bixiyay tallaabadii Dekeda Muqdisho loogu wareejiyay Shirkad laga leeyahay Turkiga, iyadoo aan la hor-geyn Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof, Jawaari, halka ay goob joog ka ahaayeen 15-ka Gudiyada Joogtada Baarlamaanka oo dhamaan ka wakiil ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed oo shalay gelinkii dambe su’aalo uga jawaabay Gudiyada Joogtada Baarlamaanka ayaa inta badan su’aalaha la weydiinayay uu ahaa arrimo quseeyay arrinta Dekeda.

“Gudiyada Joogtada waxaa rabaa in Xukuumad ahaan inaan raali gelin ka bixino arrintaas, ma aheyn arrin ku tala gal, waxaa idinka codsanayaa inaad golaha kale aad gaarsiisaan idinkana aad naga aqbashaan, in ay aheyd inaan soo gudbino, anigana dar daarankii aan ka tagay ayay aheyd markii aan dibada u baxayay, laakiin gudiga iyo wasiirka uu gudiga ka jiro keligii ma aheyn shan xubin ayay ahaaayeen, oo aan howshaas u saaray inay la wadaagaan, inta aan Baarlamaanka soo noqon la dhameystiro, anagana qoraal ayaa ka soo qoreynaa inaan cudur daar ka bixino, waxaa idinka codsanayaa in arrintaas garwaaqsataan, ma aheyn arrin ku saabsan inaan la tixgelin baarlamaanka”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed.

Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaaraha su’aalaha uu uga jawaabay Gudiyada joogtada, isagoo muujiyay wal walka uu Baarlamanka iyo shacabka Soomaaliyeed ka qabaan heshiisyada la xiriira maalgashiga dalka ee lala saxiixanayo shirkadaha shisheeye, isla markaana Baarlamaankana uu u taagan yahay ilaalinta shuruucda dalka iyo ilaalinta xuquuqda muruq maalka dekeda Muqdisho ka shaqeeya

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay inay muhiim tahay in la ilaaliyo dhamaan shuruucda kala duwan ee uu dalka leeyahay, isagoo cadeeyay in Baarlamaanka u dulqaadan doonin bixinta hantida guud ee dalka, taasoo uu xusay in aanay si gaar ah u qaadan karin hey’adaha dowladda, waxaana uu ka dhawaajiyay in arrintaas si xal loogu helo la sameyn doono Maxkamad gaar uga shaqeyso

Kulankan ayaa ka dambeeyay kadib markii uu codsaday Ra’isul Wasaaraha inuu la kulmo Gudiyada Joogtada Baarlamaanka, si uu ugu faah faahiyo dadaalada xukuumada waday ee la xiriira arrinta Dekeda, iyadoo dhowaan lagu wado in Ra’iisul Wasaaraha uu hor-tago baarlamaanka Soomaaliya, si uu Xildhibaannada uga jawaabo su’aallo la xiriira arinta Dekedda caalamiga ah ee Muqdisho iyo jah wareerka ka taagan heshiisyada caalamiga ah ee lala galo shirkadaha shisheeye.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada