Puntland oo sheegtay inaysan Duulaan ku ahayn Maamulka Galmudug

Puntland oo sheegtay inaysan Duulaan ku ahayn Maamulka Galmudug

daajis.com:-Wasiir xigeenka Hawlaha Guud iyo Gadiidka ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Yuusuf Jamac Abu Dujaana ayaa sheegay in Maamulka Puntland aysan Duulaan ku ahayn Maamulka Galmudug, xilli warar soo baxaayay ay sheegayeen in maamulka Puntland waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ay soo dhoobeen ciidamo aad u badan.


Waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin wada hadal ay la galaan Maamulka Galmudug ayna soo dhaweynayaan wax waliba oo lagu xalinaayo khilaafka ka dhex-taagan maamulada Galmudug iyo Puntland.

Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid ayaa isna dhankiisa Maamulka Puntland ku eedeeyay in ciidamo fara badan ay soo dhoobeen Magaalada Gaalkacayo taasi oo uu ku tilmaamay in Maamulka Puntland uu duulaan ku yahay Maamulka Galmudug.


Maalmihii dambe waxaa taagnaa is qabqabsi la xiriira Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo kaasi oo u dhaxeeya Maamulada Galmudug iyo Puntland,Dowlada Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta xalinta khilaafka u dhaxeeya Labadaasi Maamul.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada